shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mareykanka oo soo dhaweeyay Is Casilaada Madaxweyne Yuusuf, taageerona umuujiyay Qorshaha laysugu dhafayo Ciidamada.

(Washington, December 31,  2008 Ceegaag Online) 

War murtiyeed ka soo baxay Waaxda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanku ay soo dhaweynayaan go’aanka geesinimada iyo waddaninimada leh ee uu qaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo ay ku tilmaameen inay baal cusub u fureyso ummadda Soomaaliyeed.

Warmurtiyeedkaasi ka soo baxay waaxda arrimaha dibada Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in sida uu qabo axdiga 45-aad ee Dowlada Federaalka ah ay tahay in Barlamanka Soomaaliya uu soo doorto Madaxweyne cusub mudo 30 maalmood ah, iyagoo u soo jeediyay baarlamaanka inay soo doortaan shaqsi nabadoon ah oo Soomaalida kala fogaatay isku keeni kara.

Waxaa loogu baaqay Gudoomiyaha Baarlamanka, Ra’isul wasaare Nuur Cadde, iyo Hoggaanka Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya inay xoojiyaan dadaalada lagu doonayo in lagu unko dawlad midnimo Qaran leh, isla markaana baadi doonka nabada iyadoo loo marayo wadahadal keena ciidamo isku dhaf ah oo amniga wax ka qabta, waxaana sidoo kale war murtiyeedkaasi lagu sheegay in Dowladda Maraykanka ay ku bixin doonto 5 Million oo doolar qorshaha lagu diyaarinayo ciidamadaasi isku dhafka ah.

Waaxda arimaha dibadda dalka Maraykanka waxay hadalkooda qoraalka ahi ugu dambeyntii ku sheegeen in si Soomaalida uga faa’iideystaan fursaddan ay Mareykanka balaarinayaan taageeradooda ku aadan xoojinta hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo in si deg deg ah ciidamo ka socda Qaramada Midoobay loo keeno Gudaha Dalka Soomaaliya

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com