shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xasan Abshir Faraax oo ka tanaasulay u tartamidii Jagada Madaxweynenimo ee DGPL.

(Garoowe, December 31,  2008 Ceegaag Online) 

Xildhiban Xasan Abshir Faarax oo ka mid ahaa Musharaxiinta utaagan Madaxweyne-nimada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaaca ka qaaday in uu ka tanaasulay utartamidii Madaxweynenimo ee Puntland.

Xasan Abshir Faarax oo  u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in uu ku noqonayo Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo oo la filayo in ay dhawaan ka dhacdo doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya, wuxuuna ka gaabsaday in uu halkaas u tagayo in uu ka mid noqdo Musharixiinta madaxweynenimada Soomaaliya.
 
Xildhibaan Xasan Abshir ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dawladahii dalka Soomaaliya soo maray , iyadoo  Xukuumadii Cali Maxamed Geeddi ka ahaa Wasiirka Kalluumaysiga.

Xasan Abshir wuxuu intii uusan ka mid noqon Musharaxiinta Puntland ahaa Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa Xubnaha Barlamaanka ee aadka ugu dhawaa Madaxweyne Yuusuf inta uusan ka iman Baydhabo.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com