Madaxweyne
Yuusuf oo iska casilay Xilkii Madaxweynenimo ee Dalka
Soomaaliya..
(Baydhabo, December
29, 2008 Ceegaag Online)
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi
Yuusuf Axmed ayaa daqiiqado ka hor iska casilay xilkii
Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya kadib kulan saaka uu la
qaatay Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya, isagoo
Baarlamaankana ka hor sheegay inuu is casilay xilkiina si
KMG ah ugu wareejiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan
Madoobe.
Madaxweyne
Yuusuf oo hadal gaaban u jeediyay Xildhibaanada Barlamaanka
ayaa yiri “Markii aan fiiriyay arrimo badan, markii aan
ogaaday inaan dalka gaari Karin doorasho xor ah, waxaan
go’aansaday in aan dib idinku soo celiyo xilkii aad ii
doorateen 10-Octobar 2004-tii, Markii dalka intiisa badan
kooxo xaq jir ah qabsadeen awood aan ku difaacno aan weynay,
markii aad i doorateen ayaa idin sheegay haddii aan wax wadi
waayo inaan dib idinku soo celin doono,maanta ayaa idin soo
celiyay” waxaa dhinacayga taagan Guddoomiyaha
Baarlamaanka oo aan ku wareejiyay warqaddii is casilaada,
waana Mahadsan tihiin” ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf
Madaxweynihii Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa u
ambabixidoona saacado kadib Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta
Gobolka Mudug, halkaas oo uu maalmo ku qaadan doono Nasasho
gaaban..
Dhagayso Qudbada
Madaxweynaha
Dhageyso
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |