Madaxweyne
Yuusuf oo ka dagay Nairobi, Kulana la qaadan doona
Jandayi Frazer.
(Nairobi, December 20, 2008 Ceegaag Online)
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaliya Mudane C/llaahi
Yuusuf Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacad ka
hor ka dagay garoonka Jomma-Kenyatta International
Airport ee magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa
waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Kenya ku soo dhaweeyay
xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya iyo
xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Kenya ku
sugan.
Socdaalka Madaxweyne Yuusuf ee dalka Kenya ayaa ku soo
aaday xilli dhawaan Dowladda Kenya shaacisay in ay
xayiraad ku soo rogtay Madaxweynaha Soomaliya C/llaahi
Yuusuf iyo Qoyskiisa kadib markii Madaxweyne Yuusuf
Magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay inuu xilkii ka
xayuubiyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, magacaabayna
Ra’iisal Wasaare cusub, arrintaas oo beesha Caalamka ka
hor timid isla markaana Beesha Caalamka ay taageereen
go’aankii Baarlamaanka codka ku siiyay Wasiiradii
dhawaan uu soo Magacaabay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Dowladda Kenya ayaa horay u shaacisay in ay xayiraad
dhinac socdaalka ah ku soo rogtay madaxweynaha dowladda
federaalka, oo aanu wax socdaal ah ku imaan karin
dalkeeda ayaa la ogeyn sababta ay u badeshay mowqifkeeda
hore.
Dhinaca kale Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Xuub sired
ayaa sheegay in Madaxweynaha Magaalada Nairobi kulan
kula yeelandoono Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee
Mareykanka arrimaha Africa Jendayi Frazer.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |