Afhayeenka Madaxweyne Yuusuf (Xuub siraad)oo is mood
siiyay is casilaada Madaxwaynaha
(Baydhabo, December 25, 2008 Ceegaag Online)
Xuseen Xuubsireed, Afhayeenka Madaxweynaha Dawlada
Federaalka ah ee Soomaaliyeed ayaa dafiray hadal horay
ay wakaaladaha Waraka caalamka qaarkood ay ka soo
xigteen oo ku saabsanaa is-casilaada Madaxweynuhu
maalinta Sabtida ah ee nagu soo aadan is-casilayo.
Xuubsireed wuxuu iminka sheegayaa in Madaxweynuhu uusan
Kursiga Madaxtinimada mugdiga ku jirta ee Soomaaliyeed
uusan ka fariisaneyn islamarkaana hadaladii horay looga
soo xigtay isaga ee ka hadlayay is-casilaada Cabdulaahi
Yuusuf ay ahaayeen kuwo si qaldan loo turjuntay oo aan
waqtigoodi ku soo aadin.
Afhayeenka Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf wuxuu sidoo kale
ul dheer isaga riixay in uu isagu shaqisyan warkan is-casilaada
Madaxweynaha u gudbiyay Wakaaladaha Wararka ee caalamka
, sidaas si la mid ah wuxuu wax kama jiraan aan meesha
ku habooneyn ku tilmaamay in Madaxweynuhu isu-casilayo
cadaadis beesha Caalamka uu kala kulmay dartiis.
Warkan ayaa u ee in Madaxwayne Yuusuf
hadii uusan isaga degin Jagadan mid awood u sii
kordhinasa kooxaha reer Muqdisho taasoo keeni doonta
kala go'a wadanka Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |