shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beelaha Hawiye ma dhaami doonaan sidoodii 1991!!!

(Baydhabo, December 29,  2008 Ceegaag Online) 

Ilo wareedyo aad ugu dhuundaloola, xiriirna la sameeyay madaxwaynaha Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed oo aanu xansanay ayaa hoosta ka xariiqay inuu is casilayo madax waynuhu Maanta oo Isniin ah.

Wararku waxay intaa ku darayaan in madaxwaynuhu aad uga muraaro dilaacsanaa sida reer Muqdisho oo uu wixii dhaqaalo iyo magacba uu lahaa uu ku baabiiyay si uu ugu soo celiyo Magaalo madaxnimadeedii ay u suuro gali wayday isgoo waliba jagadiisa ku waayay Maxamed Dheere dartii.

 

Halka Maxmed Dheere horay ugu sifeeyay Madaxwayne Yuusuf  Oday Daarood ah oo Ciyaalo Suuq ah!!!!!!!!!!!

 

Waxaa kale oo la sheegayaa inay iyaguna ka soo baxayaan magaalada Muqdisho dhamaan Ciidamadii nabad ilaalintu iyo ciidamadii reer Puntland tasoo keeni karta in ciidamada Beelaha Hawiye iyo kuwa Xoogaga Al-shabaab fooda isku daraan cida maamulasa magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa awoodii ka xayuubiyay xoogagagii Maxaakimta , xoogagaas oo haatan uu ku kala dhex jiro khilaaf awoodku loolan ah ayaa hada waxay u muuqataa in marlabaad Madaxwayne Daarood ahi uu kasoo Baxayo Muqdisho in beelaha Hawiye sidoodii ugu dagaalami doonaan xukunka.

 

Arintan ayaa noqondoonta inaan Beelaha hawiye marnaba ka faa'iidaysan khibradii ay ka heleen dagaaladii ku dhexmaray Muqdisho. Dhinaca kale xoogaga al-shabaab oo haatan u badan Beelaha Daarood iyo Raxanwayn ayaa u muuqda in durdaba loo qabyaaladeenayo, marka wiilashaa la kaladirana ay Reer muqdisho meeshoodii kasii miisan doonaan.

 

Khatartan ayaana layska indho tiri karin una baahan ina beelaha Hawiye aysan ku sifoobin waxyaabaha Soomaalidu ku xamato loona baahan yahay in reer Muqdisho ka feejignaadaan dabinada Cadowga iyadoo haatan u muuqata in laysaga hor keenayo  xoogaga Islaamiyiinta hab qabyaaladeed, dhaqanka Soomaalida. ama Qaybi oo Xukun.. Soomaalida maantana ku qaybi wixii aad ku qaybin karto oo baabii ceebeena.

 

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com