shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Booqashada General Cadde Muuse ee dalka  Itoobiya.

(Adis Ababa, December 06,  2008 Ceegaag Online)

 

Waxaa magaalada addis-ababa booqasho ku jooga madaxwaynaha dawlad goboledka soomaaliyed ee puntland general cadde muuse  ,madaxweynuhu waxaa uu halkaasi kulamo xaasaasi ah kula leeyahay  maamulayaasha dalka itoobiya.

 

Waxaa la filayaa in madaxweynuhu uu halkaasi kula kulmo Raa,isal wasaaraha dalka itoobiya miles zenawi iyo  wasiirka arimaha dibada siyum musfin.

 

General cadde muuse  waxa uu kala hadli doonaa masuuliyiinta dalka itoobiya xaalada cakiran ee ka taagan soomaaliya iyadoo aanu ka warhayno sida dawlada itoobiya ay u dhex dabaalanayso mawjadaha siyaasadeed ee soomaaliya.

 

Sidoo kale madaxweyne cadde muuse waxaa uu kala hadli doonaa dawlada dalka itoobiya sida ay ku damin lahayd khilaafaadyada iyo gacan kahadalka ka dhaca soomaaliya maadaama dawlada itoobiya gacanta kula jirto arimaha soomaaliya.

 

Sida ilo lagu kalsoonyahay u sheegeen shabakada ceegaag online waxaa jiri doona shirar albaabadu u xiranyihin oo dhexmari doona cadde muuse iyo miles zenawe kuwaaso ku lugleh arimaha soomaaliya.
 
C/rashiid maxamed daahir

webmaster@ceegaag.com