shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Iscasilaada C/laahi Yuusuf ee Baydhabo iyo imaatinkiisa  Garoowe. 

(Garoowe, December 29,  2008 Ceegaag Online) 

Madaxwaynihii dawlada FDS mudane C/laahi Yuusuf Axmed oo maanta iska casilay madaxwaynani madii dawlada somaliya, wuxuuna xilkiisii kuwareejiyay  magaalada baydhabo, isagoo warqadii iscasilaadiisa udhiibay gudoomiyaha baarlamaanka shiikh adan madoobe, wuxuuna baarlamaan ka hortiisa kajeediyay sababaha keeney iscasilaadiisa.
 
Mudane C/laahi Yuusuf, wuxuu yiri, xilkii nadaxwaynaha soomaaliya waan iskacasilay waayo markii xilka la"iidoortay ayaan balanqaaday in aan xilka kadagidoona, hadii ay dawladu socon waydo, si ay xukunka uqabtaan rag kale oo wax qaban kara, hadana baarlamaan ku ha"iska dhaafeen shidada iyo kala qaybsanaanta dhexdooda kajirta, hana ilaaliyeen midnimada umada  somaliyeed, shabakada Ceegaag.com waxay warkan kaqortay soofaafinta saxaafadii kusugnayd baydhabo.
 
Mudane C/laahi Yuusuf iscasilaadiisii baydhabo kadib, wuxuu so duulaydhinaca dawlad Gobaleedka puntland, wuxuuna kaso dagay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ee looyaqano (conoco airport), wakhtigaasi oo ay saacadu ahayd labadii duhurnimo iyo daqiiqado ee islamaanta, markii uu garoonka yimid ee uu diyaarada kasoodagayna waxaa waraysi layeeshay saxaafada, wuxuuna usheegay in ay puntland tahay meeshii aan katagay 6 sano kahor eekabilaabay raadinta in aan noqdo madaxwayne soomaaliyeed, kunaguulaystay, hadana waan iskasoo casilay, waxaana u imid dad kayga, waxaana ahay oday soomaaliyeed.
 
Imaatinkii Groowe ee oday C/laahi Yuusuf, waxaa loo soo dhaweeyay si aad iyo aad usharaf badan, garoon ka waxaa ku soo dhaweeyay madaxda sare ee puntland, musharixiinta puntland, aqoonyahano iyo waxgaradka puntland iwm, waxaa kale oo magaalada dhexdeeda ku soodha weeyay dad wayne aad utirabadan oo isugu soo baxay jidka hareerihiisa,  oday c/laahi yuusuf wuxuu toos ugutagay madax tooyada DGPL, wuxuuna imaatin kiisu uu kusoo beegmay xili ay puntland kajiraan doorashooyin iyo khilaafyo kusaab san musharixiinta doorasho doonka ah.
 
 
NB. halkudhig kooban (dawladii dhamaan kala durugtayoo, kala daadataye, toloow yaadangali, daawadeeda heli), waxaa fiican in aan la ilaawin, oo lalasocdo weedhan (isha dad waynuhu dhaliil bay aragtaa).
 


F.Q. Dr. Haaruun Xassan,

Garoowe.

webmaster@ceegaag.com