Kooxaha All-shabaab
oo weerar gaadma ah ku qaaday fadhiisinkii(Cali-Boolay)
Jabhada ONLF ee Dhooblay.
(Dooblay, December
06, 2008 Ceegaag Online)
Xoogag All-shabaab ee gacanta ku
haaya Gobolka Jubada Hoose ay weerar gaadmo ah ku qaaday
saldhiga Jabhada dagaalka muqadaska ah kala soo
horjeeda dhulalkeena Soomaali Galbeed Xukuumada haatan
ka arimisa dalka Ethiopia.
Dagaalka oo la xaqiijiyay inuu
amarkiisa bixiyay Sheekh Xasan Turki, ayaa u eeg mid
laysaga horkeenay Barbaarta Beesha Ogaadeen ee reer
Dhooblay, iyada oo ilaa hada aan lagaranayn sababta
keentay iyo siyaasada laga leeyahay inagoo og in labadan
Ciidan ay dagaal Jabhadayn ah kala soo horjeedaan
Xukuumada haatan ka arimanasa dalka Ethiopia.
Su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah
waxa lagu macneen karo weerarkan All-shabaab ku qaaday
ONLF oo doon la saaran. Iyada oo ay u eegtahay inuu soo
dhaboobayo hadalkii uu Madaxwayne Yuusuf u Jeediyay
xubnaha baarlamaanka ee uu qadada ugu sameeyay Nayroobi
isgoo yidhi All- shabaab bad-baadin maayaan cid aan ahayn
All-shabaab.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |