shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxda alshabaab oo gacanta ku dhigay inta badan degmooyinka Gobolka Galguduud.

(Soomaaliya, December 08,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa inta badan degmooyinka ka tirsan gobolka galguduud ee dalka soomaaliya gacanta ku dhigay ururka sida wayn uga soo horjeeda ciidamada shisheeye ee ku sugan dalka soomaaliya iyo dawlada KMGAH .

Degmada guri-ceel ayay shalay weerareen iyadoo ay halkaasi isaga baxeen maamulkii deegaankaasi ka ariminayay ee uu madaxda u ahaa cali sheikh yuusuf isaga oo saxafada u waramayay ayaa uu sheegay gudoomiyuhu in maamulkii uu isagu madaxda ka ahaa si gardaro ah loo weeraray ayna dagaal gardaro ah ku soo qaadeen kooxda argagixisada ah ee al-shabaab.

Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in magaalada dhuusamareeb ay xalay isaga baxeen maamulkii degmadaasi iyo kii gobolka ka gadaal markii ay deegaankaasi gaareen dagaalyahanada al-shabaab oo haatan ka talinaya dhuusamareeb.

Kooxda al-shabaab ayaa sidoo kale la wareegtay gacan ku haynta degmada matabaan oo ka tirsan gobolka hiiraan iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay degenayd xaaladu ayaa hadana sida ay ila xog-ogaal ah sheegayaan xaaladu tahay mid dagan.

Si kastaba ha ahaatee marka la eego gobolada bartamaha iyo koonfurta soomaaliya  waxaa inta badan haatangacanta ugu jirtaa kooxda al-shabaab oo maraykanku ku daray liiska argagixisada isla markaana dagaalka kula jirta dawlada kumeel gaarka ah ee soomaaliya iyo ciidamada itoobiya.

C/rashiid Maxamed Daahir
lacle1004@ gmail.c om

 

webmaster@ceegaag.com