shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Labo Sano kadib Sheekh Shariif oo ku soo Laabtay Magaalada Muqdisho, qaabkee loo soo dhaweeyay + sawiro.

(Muqdisho, December 10,  2008 Ceegaag Online) 

 

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Isbaheysiga u Xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde International Air Port.

 

Wafdigan ayaa ka kooban 30-xubnood oo ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta, waxaana si diiran halkaas ugu soo dhoweeyay xubno sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay ka mid yihiin Wasiirka Beeraha Mustaf Dhuxulow, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Dhagaxtuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

 

Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa la dajiyay Hotelka Lafweyn ee Waqooyiga Muqdisho, waxaana si weyn loo adkeeyay Ammaanka Hotelka, waxaana galbintiisa ka qeyb qaatay Ciidamada AMISOM oo ku hubeysnaa Hubka cul culus oo ay ka mid yihiin gawaarida gaashaaman.

Shariifka ayaa markii uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa wariyeyaasha kula hadlay qolka Martida ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana uu sheegay inuu Illaah uga mahadcelinayo sida nabada ah ee aan dib ugu soo laabtay.

"Waxaan aad uga faraxsanahay inaan dib ugu soo laabano Caasimadeena, inta qeyb qaadatay soo dhoweynteyda aad baan ugu mahadcelinayaa, shacabka soomaaliyed meel kasta oo ay joogaan salaan diiran"ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in nabada iyo dadaalada la wado inay guuleystaan, wuxuuna Sheekhu sheegay in mar kale uu ka warbixin doono ujeedada socdaalkiisa iyo dadaalada nabadeed oo ay wadaan Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta.

 

Ammaanka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa si aad ah u adkeeyay Ciidamada AMISOM iyo ciidamo Boolis ah oo ka socday Dowladda Federaalka,waxaana halkaas ku soo dhoweeyay dadweyne aad u fara badan iyo Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.


Imaanshaha Sheekh Shariif ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxay qeyb tahay dadaalka dib u heshiisiinta ee laga dhex wado dhinacyada Soomaaliya isku haysta, sidoo kale imaanshaha Sheekh Shariif ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay qeyb tahay dadaalka Xukuumadda Nuur Cadde.

 

Waa markii ugu horeysay oo muddo Labo sano ah oo Sheekh Shariif soo gaara Magaalada Muqdisho kadib markii Shariifka iyo Maamulkiisa Islaamiyiinta iyagoo kala fardhay ka tagay Magaalada Muqdisho kadib awood culus oo uga timid Ciidamada Ethiopia oo bishii December 2006-dii soo galay Magaalada Muqdisho.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com