shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Yuusuf oo Safar dag-dag ah ku yimid Baydhabo kulamo Siyaasadeed ka bilaabay.

(Baydhabo, December 05,  2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Dowladda Somaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo xildhibaano uu horkacayay ayaa maanta si lama filaan ah ugu soo dagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay,iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada gaar ahaan waddooyinka ku dhaw dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo.

Madaxweynaha oo kulan maalin qaatay Magaalada Jabuuti kula soo yeeshay Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo laabashadiisa Magaalada Baydhabo waxay ku soo aaday xilli uu halkaas gaaray maalin ka hor Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo loolan adag kala dhaxeeya.

Saacado kadib markii uu gaaray Magaalada Baydhabo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa uu bilaabay inuu kulamo la qaato xubnaha Baarlamaanka isagoo si gaar ahna ula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa hadda ka socda kulamo Siyaasadeed oo ay leeyihiin xubnaha kala taageersan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, Arrinta ugu weyn ee dhex taala Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa koowaad ayaa waxay tahay ansaxinta Golaha Wasiirada iyo heshiiskii Jabuuti ku dhex maray Dowladda iyo kooxda mucaa-radka ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana la filayaa in labadaas qodob ay saameyn ku yeeshaan kulamada Baarlamaanka iyo wada shaqeynta Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha iyadoo intaas ay dheer tahay Maamulka cusub ee loo dhisay Gobolka Banaadir.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com