Magalada Boosaaso oo
looga dhawaaqay golaha isbedel doonka Puntland
(Boosaaso, December
04, 2008 Ceegaag Online)
Qoraal Saxaafadda ay ugu talogaleen ayuu Golaha soo
saaray kaasoo ay ku muujiyeen dhinacyada dhaqaalaha.,
Siyaasadda iyo Amniga oo ay sheegeen in maamulka
Puntland uu ku guul darreystay waxyaabo badan oo laga
qaban lahaa.
Xubnaha Golahan waxaa guddoomiye u ah C/risaan Xuseen
Gaceyte, waxaana guddoomiye ku xigeen u ah Muuse Cali
Jaamac, halka afyeenka Golahaasi uu yahay C/kariin
Saalax Cali.
"Laascaanood gacan kuma jirto, gobolka sanaag xaafado ka
mid ah waa layska soo galaa, Gaalkacayo waxaa ka jira
khalkhal oo waxaa si joogta ah loo dilaa waxgaradka"
ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Golaha cusub ee Isbedel
doonka.
Guddoomiye ku xigeenka Golaha Isbedel doonka Puntland
Muuse Cali Jaamac oo saxaafadda ugu warramay Hotel
Huruuse ee magaaladan Boosaaso ayuu wuxuu ku nuux
nuuxsaday in dhisitaanka golahan ay ka dambeysay ka dib
markii ay arkeen baahida jirta in la helo awood u
hadasha shacabka Puntland.
Guddoomiye ku xigeenka waxa uu farta ku fiiqay maamulka
Puntland inuu ku guul darreystay sugida xuduudaha
Puntland.
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay arrimaha tahriibta,
burcadbadeeda iyo afduubyada dadka ajnabiga loo geysto,
waxa uuna ku tilmaamay arrintaasi inay dhiirigelisay ka
dib markii la bixin waayay mushaharooyinka ciidamadii
sugi lahaa ammaanka.
Inkastoo golahan uusan sheegin inuu yahay mid doonaya
inuu lug ku yeesho siyaasadda haddana waxaa loo qaadan
karaa inuu qeyb ka yahay ololaha tartanka doorashada
madaxtinimada marka loo eego waqtiga lagu soo beegay iyo
xubnaha qaar ee ka dhexmuuqda ay horey siyaasadda ugu
soo jireen.
Si kastaba ha ahaate waxaa laga warsugayaa talaabada ay
qaadaan golahan cusub iyo sida ay u shaqeeyaan maadaama
ay gole siyaasadeed yihiin.
C/rashiid Maxamed Daahir
Boosaaso.
lacle1004@gmail.com
webmaster@ceegaag.com |