shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Miyaynu ka baqnaa Bakistaan?

(Bakistaan, December 13,  2008 Ceegaag Online) 

 

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisa ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha

 

Intaas ka dib:

 

Waxaa ka soo baxay Muda dhowayd Guriga Larousse ee Paris Kitaab soo jiidasha leh oo ay leedahay Qoraaga Faransiiska ah waa Hawaynayda la yidhaahdo Pauline Garaude ee ku takhasustay Koonfur Asia, waxayna degantahay Magaalada IslamAbad ee Caasimada Dalka Pakistan, waana Suxufiyad Qoraaladeeda iyo Badhitaanadeeda ku qorta Wargaysya fara badan oo ay ka mid yihiin “Asia Magazine” iyo “Librasione”, joogitaankeeda Caasimada Pakistana wuxuu ka dhigayaa inay tahay ama ka mid tahay kuwa Reer Galbeedka ah ee ugu xogogaalsan waxa ka dhacaaya Pakistan.

 

Kitaabku dhamaantii waa wada Su’aalo waayo ma jirto Cid kari karta inay fahamto Halxidhaalaha Pakistan xataa Siyaasiyiinta Pakistan Naftoodana ku daro oo, Kitaabka waxaa alifay Paulin Garaud waxaana soo aqriyay Nin la yidhaahdo Bashiir Albakar oo isna ah Qoraa wax ku qora Wargaysya badan oo Wadamada Carabta ka soo baxa. Ana aniga oo aan mooganayn inay tahay Hawaynayda Kitaabkan qortay Reer Galbeed oo aanu Kitaabkeedu ka madhnayn wax badan oo Cadaalad daro ah, Dacaayado ka dhan ah Islaamka, Siyaasado cadaawad maldahan xambaarsan iwm,

 

Ayaan hadana ka maarmi waayay inaan idiin soo bandhigo qaar waxyaabaha ku qoran Kitaabkaas laba sababood awgeed oo tan hore tahay in aan ogaano waxa ay Dadyowga kale inaga qorayaan iyo fikirka ay inaga qabaan, tan labaadna ay tahay in arimaha ka taagan Pakistan ay siyaabo badan inoo khusayaan, Wadankeenana Arima kuwaas la mid ah oo Xidhiidh la lihi ka taagan yihiin, waxaana aad iigu dhiiri geliyay Mowduucan inaan idiin soo bandhigo Tacliiqna ka bixiyo waa Dhacdooyinkii Murugada lahaa ee dhowaan ka dhacay Hargaysa iyo Boosaaso horena uga dhacay meel kale oo Wadankeena ah, taas oo I dareen siisay Khatarta iyo Musiibada wayn ee ina soo foodsaartay, inshaa Allaahu marka aan dhamayno Qoraalkan kooban ee uu Qoraagu inooga soo diyaariyay Kitaabkaas, ayaan ka hadli doonaa qaar wax yaabaha uu ka kooban yahay ee inaga khusaya ama aan ka faa’iidaysan karo, sidan soo socota ayuuna Qoraagu ku bilaabay:

 

Sirdoonka waxa Gacantooda ka bixi doona xakamaynta Shabakadaha Daalibaan ee hubaysan

 

Waxay tahay Arintan baqdinteedu in Daalibaan xataa inkasta oo ay ahaayeen Sanca ka mid ah Sancooyinkii ay samayeen Sirdoonka Pakistan, hadan waxa ay ka bexeen Gacan ku hayntoodii, waxayna tahay Baqdinta wayn ee gaadhsiisan Derejada ah in Arintanu ka cabsiisay Mareekanka taas oo keentay in Wargayska “NewYork Times” uu soo qoray Baadhitaan Maalintii 20 February ee 2008 kaas oo odhanaayay: “ in Sirdoonka Pakistan ay Gacantooda ka baxday xakamaynta Shabakadaha Mujaahidiinta Pakistan ee ay taageeri jireen Sanadihii Sideetaneeyadii iyo inay hada helayso oo ay goosanayaan Natiijooyinkii ka dhashay Siyaasadahoodaa”

 

Waxayna inoo sawiraysaa Hawaynaydan Qoraaga ahi Wadci kicinaaya Welwel iyo Qosol mararka qaarkood, Pakistan waa Dowlad Goboleed wayn oo haysata Hubka Nuclear ka taas oo ay ka aloosan yihiin gudahooda Dagaalo iyo iska horimaadyo aad u daran, xataa waxay taasu ka dhex jirta Ciidamada gudahooda, Arintu waxay u dhowdahay inay halkaa ka qaraxdo Dagaal Sokeeye, hadaanay sidaas Arintu ahayn waa maxay markaa macnaha in aynu aqrinay oo ay dhacday in ka dib Qaraxyadii ka dhacay Mareekan 11 September ay diideen in badan oo ka mid ah Ciidamadu Amaradii la siiyay iyaga ee ahayd in ay la dagaalamaan Kooxaha Xagjirka ah ayna goosteen inayba ku biiraan iyaga?

 

Hadana waxaa Arintan mugdi iyo adkaansho ku sii kordhinaysa inaan rumaysano marka laga soo xigtay hubaal Xubno hore oo ka mid ahaa Sirdoonka iyo Police ka Fadaraaliga ee Mareekanka in Madaxwayne Musharaf iyo Sirdoonka Pakistan tooni aanay marna Faraha kala bixin ilaalintooda waxayna ku kacayeen Doorar iska soo horjeeda, waayo Musharaf wuxuu Gacan kala gaystay Sirdoonka Mareekanka sidii loo eryan lahaa Taageerayaasha Ururka Alqaacidah ee Ajaanibta ah iyadoo uu isla markaana u fidiyay Ilaalin Hogaanka Daalibaan iyo Kooxaha Gooni goosadka uga dagaalamaya Kashmir,

 

Wuxuuna ku fasirayaa mid ka mid ah Sirdoonka Pakistan Arintaas Hadalkiisa ah “ in Musharaf uu iska dhigay kuwaas hada Dhinac waxayna u yihiin Amaan Maalinta ay goostaan Mareekanka iyo Gaashaan Buurta NATO inay ka tagaan Mandaqada, iyada oo ay Maalintaas u baahan tahay Pakistan iyaga mar kale si ay ugu cadaadiso India”.

Laakiin se kala tag iyo is gowni way dhacday is furistuna waxay ahayd mid laabud ah iyadu in ay ka dhex dhacdo Musharaf iyo Kooxahaas,

 

Markii ay hadaba sii xoogaysteen Garaacistii ay kula kacayeen Ciidamada Pakistan oo taageersanaya Duulimaadyo Cirka ah oo ay ka helaayeen Sirdoonka Mareekan oo u adeegsanaayay Diyaarado aan Duuliyayaal lahayn Kooxaha Xagjirka ah ee Mandaqada Qabaa’ilka ayay iyana Kooxaha Xagjirka ahi waxay bilaabeen inay weeraraan Ciidamada iyo Xubnaha Sirdoonka Pakistaan. Camaliyadii u horaysay ee Ismiidaaminta ahayd ee ay kula kacaan Bartilmaameed Ciidamada ah debeda Mandaqada Qabaa’ilka waxay dhacday October 2006, ka dib Sanad taasna waxaynu aragnay Camaliyadii u horaysay ee lala beegsado Dad ka tirsan Sirdoonka Pakistan.

 

Laba Camaliyadood oo Ismiidaamin ah oo lala beegsaday saddex Bilood gudahooda Basas siday Shaqaalaha Wakaalada Sirdoonka taas oo sababtay in ay ku dhintaan 33 Qof marka laysu geeyo Camaliyadahaa. Marka ma Sixirkii baa ku noqday Sixiroolihii? Taas weeye tay u malaynayso Qoraagu, Xaqiiqaduna waxay tahay inaanu marna ku sugnayn Madaxwayne Musharaf Wadci Raaxo leh, marna kamay joogsan Cadaadinta ay Mareekanku ku hayeen, waana kaa Halbowlihii Dowlada ay dhulka kaga imaynayso Weeraro ay ku soo qaadayaan Kooxaha Xagjirka ah, wuxuuna Arinkanu ku tacaluqaa labada Garab ee Sirdoonka Pakistaan waana Xafiiska Sirdoonka iyo Sirdoonka Ciidamada.

 

Iyada oo ay iska soo daba dhacayaan Camaliyadaha safaynta ah ee lala beegsanaayo Xubnaha Sirdoonka Pakistan Daboolkana ka qaaday isla markiiba Xooga Kooxaha Xagjirka iyo Joogitaankooda iyo Xooga Duulimaadkooda iyo weliba in is gown iyo kala tag dhacay Dhab ahaan. Sanadkii 2007 waxa lagu laayay laba Camaliyadood Sirdoonka Pakistan Magaalada Beshawar, kuwa kalena waxaa lagu laayay Bishii March ee 2008 Magaalada Karachi, dhamaan kuwaas oo dhami waxay ahaayeen Xubno ku firfircoon la dagaalanka Argagixisada waa siday tidhi Hawaynaydan Qoraaga ahi ee,

 

Hadaba waxaynu gaadhnay oo yimi Waqtigii Su’aalaha, waana Su’aalo ay u eegayaan Mareekanku hadana Jawaabo ku saabsan, waxaana ka mid ah ilaa iyo intee bay gaadhaysaa ama xagee ku Biya shubanayaa Dagaalkan u dhexeeya Sirdoonka Pakistan iyo Xulufadoodii hore ee Islaamiyiinta? Waxaa halkaa jira dhowr Jawaabood oo suura gal ah, laakiin se intooda badani waxay ahaanayaan Male uun ama iska odorosid. Wuxuu yidhi Xamiid Gul wuxuuna ka shaqanaayay dhexdooda Sanadihii 1987 ilaa 1989 kii Madaxa Sirdoonka Pakistan hadana waa Hawlgab:

 

“ma kari karayno inaan xakamayno Islaamiyiinta Xagjirka ah waayo waanu tababaray Caqiida ahaan (Ideologicaly) waxaanuna ku nidhi: ‘waxa aad tegi doontaan Jannada Firdowsa’ markaa ma noo suura gelayso inaan Arintan si dhakhso leh u rogno dhinac kale, waxaana nagu Waajib ah in aanu filano in Arintanu ay Waqti dheer qaadanayso”.

 

Sidee ayuu Wadcigu yahay hada gaar ahaan ka dib ka tegistii Musharaf ee Madaxtinimada? Waxay leedahay Qoraagu in Madax Ciidamada Pakistan ee cusub Ashfaq Barvays Kayani uu yahay Nin ku dhow Washinton, wuxuuna rabaa in uu Nidaam ku soo dabaalo Mu’asasada Ciidamada, wuxuu kaloo rabaa in uu ilaaliyo Qaar Xubnaha Ciidamada ka mid ah, laakiin Dhibta oo dhami waxay ku jirtaa ku dhowaanshahaa Washington, hadana sida ay u aragto Qoraagu Dhab ahaan: “hagaajinta iyo nadiifinta Ciidamada si Madaxbanaan u shaqaynaayay Mudo ka badan Shan iyo Labaatan Sanadood waa Hawl aad u wayn oo aanay suuragal ahayn in laga Midha dhaliyo,

 

 Mana aha baqdinta Maantu mid ka wayn kuwii ka horeeyay, hadiina ay ahayd in Islaamiyiinta loo soo bandhigo oo loo muujiyo sidii ay yihiin Bahal isku jaad ah oo u diyaar garoobay inay qabsadaan Dowlad la qaraqantay Nidaam daro iyo Jaah wareer oo qarka u saaran in ay burburto oo haysta Hubka Nuclear ka ah, Ra’iyiga sidaas ahi wuxuu ka gedisan yahay Xaqiiqa kale oo jirta, waana in Pakistan aanay ahayn Islaamiyiintu iyagu kuwa doorta Madaxda Ciidamada bal waa Generalada dhab ahaan ah kuwa xadida Dhoolatuska ay ku raaxaysanayaan iyada Islaamiyiintu” halkaa xoogaa yididiilooyin ah bay ku dhamaysay Qoraagu.

 

Nabada Maanta… laakiin waa Qiima intee le’eg?

 

Waxay u aragtaa Qoraagu in Wadciga Pakistan uu yahay mid argagax leh: in ku dhow 1000 Qof baa lagu dilay bilowgii Sanadkan 2008, sidoo kale tirada Qaraxyada Ismiidaaminta ah waxay u sii kordhayaan si argagax leh, ma jiro wax Raja’ ah oo muuqata Pakistan, waxayna u muuqataa in Jaahwareerka iyo Ismariwaaga Afghanistan ay saamayn wayn ku leedahay Pakistan. Waxaad arkaysaa in Nadaamka cusubi uu goostay inuu doorto Dariiq kale oo ka duwan Dariiqii Madaxwayne Musharaf, waxayna taasu isugu soo Biyashubanaysaa in ay doorbidaan in ay la xaajoodaan Islaamiyiinta halkii ay kala dagaalami lahaayeen. “Arintanuna waa mid wanaagsan sideedaba”, siday u aragto Qoraagu, laakiin se wax laga yaabaa in Dariiqanu yahay mid  degdeg ah oo dheeraynaya sida ay u badan tahayna Dhinaca ka soo horjeeda,

 

Waxayna soo qaadatay Ra’yiga Madaxa Midowga Suxufiyiinta Pakistan ee uu yidhi Maalmihii ay socodeen Doorashooyinkii Pakistan waana: “in ay Arinkan ku sugantahay Khataro”ma wuxuu yahay “midka u Dhib yar”mise waa “Shar lagama maarmaan ah”? ma jirto Cid garanaysa ilaa iyo xagee ayuu inoo hugaaminayaa Wadaxaajoodkanu? Laakiin shayga la hubaa wuxuu yahay: “suuragal la’aanshaha in la sii wado Istaraatiijiyad keli ah oo ku salaysan iska horimaad Ciidan, taas oo ay noqonayso Cidhibteedu Masiibo”, waxayna leedahay Qoraagu: waxay Midhaha Fashilaadu u horseeday Madaxda cusub inay dib ugu noqdaan oo u xisaabiyaan Fekredahoodii iyo Istaraatiijiyadood. Iyadoo ay Taageerayaasha labada Xisbi ee Dhaqanka Doorashooyinka waa Xisbiga Dadka iyo Xisbiga Nawas Shariif ee, aanay ahayn Arin lama filaan ah in uu sheegay oo cadayay Ra’isalwasaaraha cusubi inay dib ugu noqonayaan Wadahadaladii ay la lahaayeen Daalibaan

 

Xisbiyada Qabaa’ilku waxay ku xidheen Wadahadal ay la galaan Xukuumada in ay joojiso Iskaashiga Mareekanka iyo iyada u dhexeeya

 

Iyo inay Ciidamadu si tartiib ah uga soo baxaan Mandaqada Qabaa’ilka ee Gobolka Woqooyi Galbeed si gaar ahna Waadiga Sawaat.Arinku maaha mid sidaa isaga sahlan iyada oo ay ka mid tahay Shuruudaha ay dalbadeen iyada Xisbiyada Qabaa’ilku inay Xukuumadu joojiso dhamaan wixii Iskaashi ah oo la leedahay Mareekanka iyo in lagu soo rogo oo lagu dhaqo Shareecada Islaamka Mandaqadaha Qabaa’ilka. Laakiin Shuruudahanu ma keenayaan in la gaadho Itifaaq ama Isafgarad labada Dhinac dhex marta.

 

Mushkilada Meesha taalaana waxay tahay siday u aragto Qoraagu waa sidee bay ugu suuragelaysa Ciidamada Pakistan iyo Malayshiyada sida Ciidamada u tababaran in ay ka tagaan Mandaqadaha Qabaa’ilka oo kaga tagaan halkaa Ciidamada Xoogaga Daalibaan Mandaqada. Markaynu dhinac dhigno dhamaan Balanqaadyadoodii ahaa in ay Hubka dhinac dhigaan, inay xidhaan Goobaha lagu tababaro Dagaalyahanada iyo kuwa Ismiidaamiya iyo inay joojiyaan inay weeraraan School lada Gabdhaha iyo kuwa diida inay Gadhka la baxaan iyo Dukaanada Muusikada iyo kuwa Video ga?

 

Waxayna ku Jawaabtay Qoraagu: Hadal ay ka soo guurisay mid ka mid ah Kuxeeldheerayaasha Ciidamad Pakistan: “in markaa ay noqonayso in ay u suuragasho Daalibaan, in uu noqonaayo Dariiqa hortooda ahi mid u furan wixii ay doonayaan in ay samayaan, waxayna noqonaysaa Arintu mid Khatar ah, waayo waxa ugu horeeya ee ay samaynayaan waa in ay ka faa’iidaystaan halkaa banaanaatay oo ay dib isu hubayaan oo Ciidamo u qortaan waayo markan kumay jiraan Dagaal”. Waxayna ku qaderinaysaa Qoraagu Cuqdada Jahwareerku uu ka yeelay Ciidamada inay dib u dhigaan in ay Mandaqada ka baxaan sidii Isafgaradka lagu gaadhay, bal waxay Arimuhu gaadheen ilaa iyo Xaalad kale oo ah Iska horimaad wada gaadhay Mandaqadaha Qabaa’ilka oo dhan oo aanu hore u gaadhin,

 

Guda galka iyo Duulimaadyada Ciidamadu waxay wada gaadhay Waadiga Swaat, halkaas oo ay joogaan Ciidamo daacad u ah Mullaha Asalraaca ah (Radical Mulla) ee la yidhaahdo Fadlu Allaah, waxayna wada gaadhay Daalibaana Mandaqadaha Qabaa’ilka gaar ahaan Ciidamada Baytu Allaah Maxsuud, kaas oo loo malaynaayo in uu yahay Hogaamiyaha Ururka Alqaacidah Qaybteeda Pakistan. Waxay keentay Duulimaadyadan Ciidamadu inay meesha ka saartay Xabadjoojintii hore loo gaadhay iyo hadana Wadahadaladii Taxanaha ahaa, mana uu helin Ra’isalwasaaraha Pakistan wuxuuna ka tirsan yahay Xisbiga Dadka ee oo aan ahayn inuu bilaabo in uu Garwaaqsado inay tahay Madhacdo in uu aqbalo laba Xukuumadood oo ka wada Jira Dal keli ah ama Xukuumad Xukuumad ku hoos jirta.

 

Isla Waqtigaa uu soconaayo Dagaalka labada dhinac u dhexeeyaa uuna gaadhay Marxalad ay tahay Madhacdo in dib loo noqdo oo la baadho Xal dhexdhexaad ah, ayay Daalibaan waxay ugu Dabaaldegtay Dariiqadeeda iyada inuu ka degay Madaxwayne Musharaf Noloshii Siyaasada ee Wadanka, taas oo ah inay qarxisay Warshadii ugu waynayd Wadanka ee lagu samayn jiray Hubka, taas oo sababtay in ay ku dhintaan 65 Qof, waxayna ku hanjebeen inay Wadanka oo dhan ololinayaan. Waan taas tay u aragto Wargayska “The News” markay qortay “Daalibaan waxay muujisay ama cadaysay inay tahay Xoog habaysan oo diyaar u ah in ay xoog wax u garaacdo iyo meel kastaba, hadii ay sii wadaan Isbahaysiga hada Xukumka hayaa ee ku balanqaaday in uu ka qaadaayo Ciidamada Qalabkasida Mandaqada, uu yeelo Cadaadinaha kaga imanaaya Mareekanka”.

 

Markaa Arimihii waxay noqdeen si ka gedisan oo ka soo horjeeda sidii ay doonaysay Xukuumada cusubi oo ay malaynaysay oo dalbanaysay, waayo inaad Xukumka haysid waa mid, inaad Mucaaradka ka mid tahayna waa mid kale. Waxaana laga baqayaa inay noqdaan Duruufuhu kuwa ka Dhiigdaadasho badan oo ka Masiibaysan kuwii ka horeeyay, waayo kuwa Xagjirka ahi waxay u arkaan kuwa Diimoqraadiyiinta ah in ay yihiin Khaayiniin. Laakiin fashilaada Wadahadalada suuragal maaha oo keli ah inaynu dusha ka saaro mar Xagjirka mar kalena Xukuumada, bal hadana Xukuumada iyo sidoo kale Duulaamada Sirdoonka Mareekanka ee Mandaqadaha Qabaa’ilka masuul bay ka yihiin fashilaada Wadahadalada.

 

Waana ta ay si cadho leh u tidhi Baadhaha Maryam Abu Dahab oo ka tirsan Xarunta Diraasadaha iyo Baadhitaanka Dowliga ah ee Culuumta Siyaasada: “mar kasta oo ay isku daydo Xukumada Pakistan in ay la hadasho Halgamayaasha Xagjirka ah, waxay dareemaan Mareekanku welwel waxayna sii dardar geliyaan Duulaamadooda. Markaa hadaanay taasu noqon kharibaad maan garanaayo waxay noqonayso, marka ay la dhacayaan Diyaaradaha Mareekanka ee aan Duuliyaha wadani Jaxiimkooda Goobo ay leeyihiin waxaa ku dhuunta kuwa Argagixisada ah, oo ay ku laynayaan Dad Rayid ah in ka badan inta hubaysan ee ay halkaa ku laynayaan.

 

Markaa Dhaqdhaqaaqa Daalibaan iyaguna waxay kaga aargoosanayaan Camaliyado Ismiidaamin ah oo ay la beegsanayaan Ciidamada iyo Rayidkaba. Laakiin se ma garanaysaa Xukuumada Pakistan dabeecada Dagaalkoodan, suuragal maaha in lagu kala guulaysto, hadaanay sidaas ahayn mar hore ayaa Xalku garan lahaa Dariiqiisa Mandagadahan Dhibaataysan. Waxa ku Waajib ah Masuuliyiintu inay dhegaystaan waxa ay leeyihiin Khubarada ku takhasustay Arinta Dhaqdhaqaaqyada Hubaysan, waxayna leeyihiin kuwaasu: “Argagixisada dhex mushaaxaysa Mandaqadaha Qabaa’ilka iyo Qayrkoodba way kala Midaba duwan yihiin waxayna u baahan yihiin in loo adeegsado Xeelado waxaana Waajib ah inay kala duwanaadaan si ay u noqdaan Waxku Ool, taana lama samayn ilaa Saacadan aan joogno”.

 

Waxay inoo fasiraysaa Qoraagu macnaha Ra’yigaa: “Jahaadiyiinta joogta Mandaqadaha Qabaa’ilku waxay isugu jiraan sida Dhabta ah laba Nooc: Qaar waa Mujaahidiin Afghanistaniyiin ah iyo Ajinebi raacsan Ururka Alqaacidah kuwaas oo u daagalamaya Jahaad Caalami ah dartii iyo Qaar Dadka Deegaanka ah oo Daalibaan ah, Xalkuna sida ay tahay oo ay u aragto Qoraagu waa la garanayaa, wuxuuna yahay in laga samayo labada Kooxood dhexdooda kala qaybsanaan iyo Iskahorimaad, waana tii ka dhacday Ciraaq markii Mareekanku taageeray Qaar Xoogagii Iskacaabinta ka mid ah oo ka horgeeyay Qaar kale oo iyana ka mid ah Xoogagii Iskacaabinta oo ay hogaaminaysay Alqaacidah oo ay ku jireen Dad ah Dagaalyahaniin Ajinebi.Waxayna u aragtaa Qoraagu in Daalibaanta Gudaha ay soo jiidanayso wax badan Fekreda Wadaxaajoodku, laakiin se aanay taageerayn sida ay wax u socdaan ilaa iyo Saacadan.

 

Midab kale oo Islaami ah

 

 Waxayna soo qaadanaysaa midab kale oo Islaamiga ah, waana muuqaal ah Budhcad iyo Shifto iyo Tuug, waana tan ka soo baxday Mandaqada Khaybar oo ka mid ah Mandaqadaha Qabaa’ilka ee todobada ah, taas oo ay ku baahday Tuugaysi iyo dhaqdhaqaaqyo Maafiyanimo ah, taas oo ay ka wadaan Casaabado Islaamiyiin ah oo uu hogaaminaayo Mangal Bag, waana Hogaamiyaha Kooxda la yidhaahdo “Ciidamada Islaamka”. Khaybar waa Mandaqad aad u muhiim ah Taariikhdaba, waxayna ahayd ilaa iyo Qarniyaal Dariiqa dhamaan Baayacmushtarka ee u dhexeeyay Asia da Dhexe iyo Asia da Koonfureed. Sidoo kale waxay tahay hadana Mandaqadu Meesha dhamaan noocyada Baayacmushtarka ee u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan oo ay ku jiraan Maandooriyaalka iyo Hubku.

 

 Waxa aanay kuwa badanina garanayn wuxuu yahay in Tujaarta isticmaasha Mandaqadan Khaybar aanay wax lug ah ku lahayn kuna kicin wax ah Dhaqdhaqaaq Islaami ah. Hadana ilaa iyo Mudadii ay hantiyeen oo xukumeen Kooxda Ciidamada Islaamku Goobtaa leh ahmiyada Istaraatiijiga ah bilowgii Sanadkan 2008 ka, waana Mandaqada keli ah ee uu maro Dariiqa qabta ilaa iyo Afghanistan.Goobtu waa muhiim xukumideedana waxaa macnaheedu yahay xukumis dhamaan Baayacmushtarka ka dhexeeya labada Dal, gaar ahaan Baayacmushtarka khusaya Ciidamada Gaashaan Buurta Nato ee jooga Afghanistan, sida Shidaalka, Gawaadhida Ciidamada, Saadka iwm. Waxayna beeniyaan Islaamiyiinta Goobtaas Khaybar wax kasta oo Cilaaqaad ah oo isku xidhi karaaya iyaga iyo Daalibaan ama Alqaacidah, mana ay sheegtaan masuuliyada dhif mooyaane wax Qaraxyo ah. Laakiin se si taas ka soo horjeeda waxay u difaacaan si Badheed ah oo cad Kahorimaatinka iyo la Dagaalanka Ciidamada Ajinebiga ah ee jooga Afghanistan.

 

Waxayna ku kacaan oo samayaan si aad u wayn Camaliyado Afduub ah oo ay ka samayaan Saldhigooda Khaybar. Waxayna wax ka tartaa Madaxfurashooyinka ay ka helaan xaga Saadka Hubka, waxaana Tusaale u ah Camaliyadaha Afduubka, Afduubkii Safiirka Pakistan ee Afghanistan Bishii January ee 2008 ka, ma jirto Cid garanaysa inta ay le’ekayd Madaxfurashada ay taas ka heleen, laakiin waxa hubaal ah in Mablaqaasu uu ku filaa Iibka Boqolaal Hub ah. Sida  ay yidhaahdeen Dadka u kuurgalaa in ay Kooxdatan ay Safafkeeda ay ku jiraan Kumanaan Dagaalyahaniin ah, waxayna diyaar u yihiin Dhimasho iyagoo ku soconaaya Amarada Hugaamiyahooda Mangal Bag.

 

Waxayna u aragtaa Qoraagu in Dowladii dhexe ee Pakistan ay ka maqantahay Qiyaastii Mandaqadaha Qabaa’ilka, iyada oo ay Maleeshiyooyinka Islaamiyiintu kala Midabadooda oo dhan laga soo bilaabo Daalibaanta gudaha iyo Xubnaha Alqaacidah iyo Casaabadah Islaamiyiintu ay xukumaan shan ka mid ah Mandaqadaha todobada ah. Iyada oo aanay Masiibooyinku keli keli isagaga iman Dowlada Pakistan ee iyana waxa jirta Arin aasaasi ah oo kale oo Door ka ciyaaraysa ka soo horjeeda waana Arinta Faqriga iyo Darxumada. Hadaba halkan inay ka qortaan Kooxaha Xagjirka ahi Mutadawiciin ay ugu Balanqaadaan nicmooyinka Jannada Fardowsah waxay noqonaysaa Arin aad iyo aad u sahalan…waana tan ka yeeshay mid ka mid ah Kuxeeldheerayaasha Cilmiga Bulshada ee Pakistan in uu qoro nooc ka mid ah Qosolka Jaahwareerka:

 

 “Jaahwareerkanu yacni Darxumadan darani, waxay ku Biyashubaysaa Maslaxada Xagjirka. Kuwaas oo ka bixinaaya Qiima Qaali ah mid kasta oo isu soo taaga in uu Ismiidaamiyo (Camaliyadaha Ismiidaaminta) waxayna siinayaan Xoolo Qowsaskooda, waxayna ugu Balanqaadayaan Jannada Fardowsah hadii ay ku dhintaan Jahaad Allaah dartiis ah. Marka miyay la daahday Pakistan u helista Xal ee Mushkiladan? Taas weeye waxa aynu ka fahmayno Taxliilta Mu’alifada. Iyada oo u aragta “in Xukuumada Pakistan aanay ku baraarugin ilaa Maalmahan dambe maaha ee lagama maarmaanimada wax ka qabasho degdeg ah si loo hurumarayo Bulshada iyo Dhaqaalah ee Mandaqadaha Qabaa’ilka.

 

Hadiina ay doonayso Pakistan in ay ka badbaadiso Mandaqadahaa in ay ku dhacaan Gacanta Islaamiyiinta, waxaa ku Waajib ah in ay noqdaan Mandaqadahaanu Mudnaanteeda, iyada oo Dadka Deegaanka Mandaqadahan oo ay tiradoodu gaadhayso 5,3 Malyan oo Qof, waxaan ka helaynaa in 80% ay ku nool yihiin Faqri, 10% Xaaladaha ugu wanaagsan ay ka yaqaaniin Aqriska iyo Qorista, waxayna ku hoos nool yihiin Faham Islaami ah oo aad u Muxaafid ah oo diidan Horumarka, ugu yaraan wixii khusaya Dumarka. Waxayna u aragtaa Xukuumadu: “in ay jirto Baahi degdeg ah oo lagu hagaajiyo Siyaasad ahaan, Dhaqaale ahaan iyo Bulsha ahaanba ee Mandaqadaha Qabaa’ilka, Faqriga iyo Aqoon la’aanta baahday waxay sababayaan ka Dhalashada Argagixisada”.

 

Hase yeeshee Pakistan iyada oo aad u og in ay ka Itaal darantahay sidii ay ahayd markii lagu dhawaaqay Guushii ka dib Doorashooyinkii, taasna waxay timid ka dib markay Istiqaaladaha ay dhiibeen dhamaan Wasiiradii Nawas Sharif, ma ka dareemaysaa Nafteeda Awooda ay kaga hortegi karto Halista Argagixisada? Mise waxa ku Waajib ah Ciidamadu inay qabsadaan Xukumka, hadii Wadciyadu ku sii socdaan sii Xumaansho? Ma isu soo celinaysaa dib Taariikhdii Pakistan Nafteedii? Ma se tahay Waajib siday is waydiinayso Qoraagu: “in aan cabiro baqdinta aynu ka qabno in ay noqoto Pakistan oo ah Xooga ama Quwada Islaamka ee keli ah ee haysata Hubka Nuclear ka Afghanistan cusub oo ay ku hoobato Gacanta Argagixisada? Ma filayso Qoraagu Natiijadaa Jaahwareerka ah ee Malaha ah, laakiin se waxay u aragtaa si dhab ah in Islaamiyiintu ay sii wadayaan inay is balaadhiyaan, hadii aanay la iman Xukuumada Dhexe ee Pakistan qaar Waxyaabo Tanaasul ah. Halkaas ayuuna ku dhamaaday Aqriskii Kitaabkaasu.

 

Maxaynu ka fahamnay Qoraalkan, ka se faa’iidaysan karaa?

 

Horta anigu Fekreda aan ka qabo Kitaabkan waxaan si yar oo kooban ugu soo tilmaamay Hordaca Qoraalkan waxaana keli ah oo aan jeclaan lahaa inaan ku daro waa in aanu Kitaabkanu ka madhnayn wax badan oo Xaqiiqooyin ah, wayna dheeraan kartaa waxa aynu ka fahamnay ama ka hadli karno oo ku jiraa Kitaabkan, hase yeeshee inta aynaan u gelin Arinta Pakistan iyo Kooxaha Islaamiyiinta ah iyo saamaynta ay inagu leedahay iyo dhamaanba Aduunka Islaamka. Ayaan waxaan jeclaystay in aan tilmaan gaaban ku cadeeyo Weedh Hadalka Qoraaga ku jirtay waana Hadalka ah: “waxayna ku hoos jiraan faham Islaami ah oo aad u Muxaafid ah oo aan ogolayn Horumar, ugu yaraan wixii khusaya Dumarka”.

 

Hadalkanu waa Dhuuxa ama Nuxurka Qoraalkeeda, Qoraalka oo dhan Ujeedadiisu tan ayay ku soo ururaysaa, eed aad u Xaqq dara ah bay si toos ah Islaamka dusha uga tuurtay, oo ah inuu ka masuul yahay ha ahaato Jahliga, Horumar la’aanta, Argagixisada, Kutumashada Xuquuqda Dumarka iwm. Waxaynu si  fiican uga war haynaa in uu Islaamku yahay aasaaska Cilmiga iyo Xadaarada Basharku Maanta ku sugan yahay, waa sax in Dowladaha Islaamku ay Maanta ku sugan yihiin Dibudhac iyo Horumar la’aan, taasna kama masuul ah Tacaaliinta Diinteenu, sababahana waa la garanayaa taas keenay, Hadalka Qoraagana waynu wada ognahay in aanu sax ahayn bal ay tahay dulmi iyo ka Beensheegis ku salaysan Ulajeedooyin aan inaga qarsoonayn oo soo jireen ahaa oo uu inooga waramay Allaah tacaalaa markuu ku yidhi Quraanka kariimka ah: {وَلَن تَرْضَى عَنكَ الْيَهُودُ وَلاَ النَّصَارَى حَتَّى تَتَّبِعَ مِلَّتَهُمْ قُلْ إِنَّ هُدَى اللّهِ هُوَ الْهُدَى } {Aayatan kariimka ah waxaa Allaah tacaalaa Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam uga waramayaa Heerka ay ka taagan yihiin Yuhuud iyo Nasaaro Islaamka Nuurkaa Allaah casaa wajalaa uu u soo diray Basharka.

 

 Waana in aanay marna ka raali noqonayn isaga iyo Diinta uu ku baaqaayo toona Yuhuuda iyo Nasaaradu Ilaa aad raacdo Milladooda ay ku andacoonayaan in ay tahay Xaqq iyo Hanuun, wuxuuna yidhi tacaalaa waxaad tidhaahdaa Hanuunka Allaah oo ah Islaamka ayaa ah Hanuun, wixii se taas ka gedisan waa Baadil}, marka la yaab iyo kediso toona inaguma aha Hadalada noocan ahi, waxay rabaan in aynu Dhaqankooda iyo Akhlaaqahooda qaadano oo aynu iyaga oo kale noqono, waad aragtaa maanta Dunida oo dhan in ay u dagaalamayaan sidii Dhaqankooda ay u gaadhsiin lahaayeen ama ha ku gaadhsiiyeen cadaadin Dhaqaale, Siyaasadeed ama mid Ciidanba ee. Waxaad aragtaa in ay Caalamkii oo dhan ku sandulaynayaan Nidaamkooda ay ku Magcaabaan Dimoqaraadiga, iyada oo ay og yihiin in aanay anfacayn Wadama badan oo aan iyaga la Dhaqan iyo Diintoona ahayn.

 

Runtii waxaa la odhan karaa waxay ku guulaysteen in ay ka dhaadhiciyaan in badan oo inaga mid ah in Diimoqaraadiyadu tahay Nidaamka keli ah ee lagu hagaajin karaayo Xukumka, oo aynu ka tagnay amaba u qaadanay in ay isku mid yihiin Nadaamka Shuurada ee uu ina faray Allaah tacaalaa inagagana raali noqonaayo hadaynu ku kacno iyo Nadaamka Diimoqaradiga ee ay dhoob dhoobteen Reer Galbeedku, waxayna inaga dhaadhiciyeen oo ah wax laga xumaado sida ay Qoraaganu qortay in aanu Islaamku ogolayn wax Hurumar ah, uuna ku dhaxalsiinaayo Faqri iyo Darxumo iwm. Taas waxaa qaba Dad badan oo ah Shacab iyo Aqoonyahaniin Muslimiin ah, taas oo ah Arin Muruga leh, waayo markaan soo qaato Aqoonyahaniinta waxaad moodaa in ay Culayska saareen barashada Aqoonta Maadiga ah oo ka jaahil yihiin Aqoontii Diiniga ahayd, taasna waxay keentay in ay ka dhegaystaan Arimaha ku saabsan Muslimiinta Dad aan iyagu Muslimiin ahayn doonayna in wax wanaagsan laga sheego ama ay horumar gaadhaan,

 

Halkay iyagu ka ahaan lahaayeen kuwii wax laga dhegaysan lahaa, oo u sheegi lahaa Xaqiiqada Islaamka kuwa aan iyagu Muslimiinta ahayn, kana hortegi lahaayeen Xumaanta la abuuraayo oo laga fidinaayo Muslimiinta iyo Diinta Islaamkaba, runtii marar badan oo aan dhegaystay Aqoonyahano Soomaaliyeed oo Wadankooda jecel iskuna hawlay oo isku deyaaya Habeen iyo Maalinba sidii ay Dhibka uga saari lahaayeen Dalkooda iyo Dadkooda, ayaa waxaa iiga muuqatay oo aan ka dhadhansaday Hadaladooda amaba aan uga maqlay qaarkood si Badheedh ah, Dhaliil ay u soo jeedinayaan Islaamka oo ah inuu ka hor imanaayo Hurumarka oo aan laysku xukumi karayn, waxayna taas sabab uga dhigaan in Islaamka iyo Diinta la wadaa ay tahay mid inagu cusub oo laga tegay Islaamkeenii hore ee wanaagsanaa ee ku ekaa Masaajidka iyo Malcaamadaha Quraanka!!!

 

Anoo aad Ixtiraam iyo Xishmad ugu haya Dadka Aqoonyahanka Muslimiinta gaar ahaan kuwa Somaalida ah Rag iyo Dumarba, ayaa waxa hubaal ah in ay ka qarsoon yihiin wax badan oo ah Xaqiiqooyinka Shareecadeena wanaagsan oo aanay fahamsanayn, waayo waxay si xoog ah isugu mashquuliyeen barashada Culuumta Maadiga ah, oo aanay haba yaraatee in yar mooyaane isku deyin oo isku hawlin Barashada Culuumta Shareecada Islaamka, taasuna waxay dhaxalsiisay in ay rumaystaan Hadaladan oo kale ee sida Baadilka ah looga faafinaayo Islaamka

 

Hadaba Talada aan u soo jeedin lahaa Aqoonyahaniintan sharafta mudani waxay tahay, bal inay isku dayaan oo bartaan Waqtigan oo Diraasado ku samayaan Shareecada Islaamka iyo wixii la xidhiidha, waxaa hubaal ah haday sidaas yeelaan inay wax badan oo ka maqnaa ay ka faa’iidayaan ayna noqon doonaan Talooyinka iyo Tusaalooyinka ay Ummada iyo Madaxdeeda u soo jeedinayaan kuwa waxku ool ah oo isu dheeli tiran oo aynu ka wada faa’iidno inshaa Allaah

 

Diinta Islaamka lama bedelin ee waxaa inoo kordhay faham hore inooga maqnaa

 

Tanu waa Arin aad u Muhiim ah oo loo baahan yahay in ay Bulshada Qaybeheeda kala duwani aad u fahamaan, iyada oo aad had iyo jeer maqasho hadalhaynta Wadaadadii hore iyo Wadaadada cusub iyo sidaan kor ku soo xusay Weedha ah: “ Diinteenii Islaamka ee hore!!! Subxaan Allaah horta Diinta lama bedelin ee waa Diinteenii Islaamka ee aynu weligeen haysanay, iyada oo laynoo aqoonsan yahay in aynu ka mid nahay Dadyowgii Islaamka ugu horeeyay ee islaamay, Taariikhyahanadu waxay sheegaan in Islaamku Dhulkeena soo gaadhay oo Dadku Diinta qaateen Xiligii Hijradii kowaad ee Asxaabtii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam qaar iyo Eheladoodii u hijroodeen Dhulka Xabashida, waa Waqti aanay xataa Diintu gaadhin Jasiirada Carabta meel ka baxsan Makkah.

 

Ee waxaa inoo korodhay faham balaadhan oo dheeraad ah oo aynaan hore uga aqoon Diinteena, markiina la dhadhamiyay Macaanka Iimaanka iyo Cilmiga Shareecadeena wanaagsan ayaa waxaa batay Dadka baranaaya Diinta gaar ahaan Dhalinyarada. Hadaba Arintanu waxay bilaabantay Sanadihii Todobaataneeyadii Waqtigaas oo Qiimihii Baatroolku kor u kacay, Wadamadii Carabta ee Khaliijkuna ka qaateen Xoriyadoodii Gumaystihii Ingriiska, Dhaqaalihii Wadamadaa oo ku tiirsanaa Baatroolka ayaa kor u kacay, markaas ayay waxay bilaabeen inay dhisaan Wadamadooda, waxayna u baahdeen Shaqaale debeda uga yimaada. Sidaas darteed ayaa waxaa looga soo shaqa tegay Aduunka oo dhan gaar ahaan Wadamada Muslimka, inaguna kuwaas ayaynu ka mid ahayn oo Dad badan baa halkaa Shaqa u doontay gaar ahaan Boqortooyada Carabta ee Sucuudiga.

 

Dadkii halkaa u shaqa doontay waxay kala kulmeen Khayr aad u fara badan, sida Dhaqaale badan oo ay iyaga iyo Qoosaskooda ka sokow ay gaadhsiiyeen Ahalkoodii iyo Qaraabadoodii ku sugnaa Wadankeena, waxa kale oo ka mid ahaa Khayrkii iyo Nicmooyinkii ay halkaa kala kulmeen barashada Diinta Islaamka saafiga ah ee ka madhan Shirkiga, Bidcada, Khuraafaatka iwm ee xumayay Suuradii Islaamka, taas oo ay suuragelisay Diinta oo laga bartay Masdaradeedii Asalka ahaa iyo weliba helista laga helay halkaas Jaamacado lagu barto Culuumta Shareecada oo ay wax ka dhigaan Culima waawayn oo ku Xeeldheer Culuumta Diinta Islaamka Furuucdeeda kala duwan, Cilmiga halkaa lagu baranaayay wuxuu ahaa Cilmi saafi ah oo ku salaysan Allaah tacaalaa wuxuu yidhi, Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam wuxuu yidhi iyo Arintan ama Masa’aladaa siday ugu dhaqmeen oo u fahmeen Salafkii suubanaa, yacni Asxaabtii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam iyo Taabiciintoodii iyo Atbaacdoodii iyo Iimaamadii hanuunsanaa ee ka dambayay.

 

Dacwadaa Khayrka ahayd ee barakaysni waxay gaadhay markii dambe Aduunka oo dhan oo ay ku jiraan Wadamada Reer Galbeedku, Dadkuna markii la arkay wanaaga Diinta Islaamka iyo inay Xaqq tahay waxay u soo gelayeen oo u islaamayeen Raaba Raabe iyo Kel Keliba. Xoogaa dhibaata ah ayay Dacwadu kala kulantay Wadamadii Islaamka qaar oo aynu ka mid nahay, taas oo ay sababtay Jahligii ay Dadku kaga sugnaayeen Diintooda, markii Waxyaabo badan oo Dadku Diin u haysteen loo cadayay inaanay Diinta ka mid ahayn, waxa iyana sii kiciyay oo Dadka Dacwada u bahala gelinaayay oo ku diraayay Wadaadadii ay Dadku hore u yiqiineen ee Mawliidka u aqriyi jiray,

 

 ee Caruurta iyo Dadka waawaynba Qardhaasaha u qori jiray ee Allaah Bariga ka Digriyi jiray, ee Gabdhaha Maasafada ku meherin jiray, ee Siyaaroonka Qubuuraha iyo Xoolaha lagu qalaayo maamuli jiray iwm, iyagoo Arimahaas oo dhan Xoolo ku qaadan jiray oo Arimahaasu u ahaayeen halkay Risqigooda ka kasbadaan, markii loo sheegay in ficiladaasu isugu jiraan Shirki, Bidco, Khuraafaat iwm oo aanay Diinta ka mid ahayn, ayay Colaad bilaabeen, markaa Qoladan iyo waxaa isku xidhmay Maamuladii markaa Wadamadaa ka talin jiray, Dacwadana Cadaadis iyo Cidhiidhi fara badan bay ku samayeen, laakiin se alxmdulilaahi Dacwadu way ka guulaystay Caqabadahaa Midheheediina waynagaa Maanta goosanayna.

 

Leexashadii Qaar Dhalintii Dacwada barakaysan iyo Doorka ay taas ku lahaayeen Kooxda Ikhwaan Almuslimiin

 

Waxa hubaal ah in uu Aqristuhu iswaydiinaayo oo haday Arintu sidaas tahay waa maxay waxakan dhacayaa ee ah Qaraxyo aan loo miidaan deyin iyo Ismiidaamin, daadin Dhiiga Muslimiinta, Xukumo la leeyahay waa Islaami oo aan Cadaalad Raxmad iyo Caqli gal tooni ka muuqan oo Argagax iyo Welwel ku abuuray Ummadii oo dhan? Waxay tahay Jawaabtu in Dhalintii baranaysay Cilmiga ee Dacwadaa barakaysan, ay Qaarkood ka leexdeen Jidkii toosnaa iyo Xaqqii cadaa ee lagu baranaayay Dacwadaa barakaysan, oo ay bilaabeen in ay xukum raadsadaan kana tagaan ama ka jeestaan barashadii Cilmiga. Taas oo ay sababeen Arimo badani oo tan ugu muhiimsani tahay: in ay jirtay welina jirto Koox Waqti dheer soo jirtay oo lagu magcaabo “Ikhwaan Almuslimiin”, Kooxdanu waa koox soo jirtay Mudo dheer oo ah hada Qiyaastii Qarni ku dhowaad.

 

Waxay ka aasaasantay Dalka Masar, waxana aasaasay Nin Macalin ka ahaan jiray Schoolada Masar oo la odhan jiray Shiikh Xasan Albanaa, Ujeedada loo samayay Kooxdan waxaa lagu macnayay in ay tahay in ay ka dhaliyaan Caalamka Islaamka oo dhan Dowlad Islaam ah oo soo celiyaan Dowladii Khilaafada ee Islaamka ee ay Reer Galbeedku burburiyeen markay dhexdooda ka abuureen Khilaaf aakhirkii keenay inay burburto oo meesha ka baxdo. Intaa markaynu eegno Arin xun ma ah oo waa himilada Qof kasta oo Muslim Khaalis ahi hiigsanaayo, laakiin se Xumaatadu waxay ku jirtaa sida ay doonayaan in ay Goolkoodaa ku gaadhaan,

 

Waxaa Astaan u ah Kooxdan oo intaa ay ku xanshashaqayaan Ayaata kariimka ah ee ah Hadalka Allaah taacaalaa: وَمَن لَّمْ يَحْكُم بِمَا أَنزَلَ اللّهُ فَأُوْلَـئِكَ هُمُ الْكَافِرُونَ }} {cidaan wax ku xukumin wixii Allaah subxaanahu wa tacaalaa soo dejiyay kuwaasu waa Gaalo waayo isku xukumka waxaan Allaah casaa wajalaa soo dejin waa Camalada Gaalada wuxuu noqon karaa Gaalimo aad Milada kaga baxdo hadii aad ictiqaado inuu xalaal yahay ama banaan yahay wuxuuna noqon karaa Denbiyaalka waawayn aan se Milada kaa saarin}, sidaas darted ayay waxay aaminsan yihiin in Madaxda Islaamka ee aan wax ku xukumin Shareecada Islaamka ee Allaah tacaalaa soo dejiyay ay Gaalo yihiin, sidaas awgeed iyo si loo helo Rajada ah Dowlada Islaam ah oo Caalamka Islaamka oo dhan ka talisa, ayay yidhaahdeen waa in laga horyimaadaa oo lagula kacaa halgan hubaysan oo aan la adeecin Xukumkooda si Xukumka looga tuuro.

 

Sidaynu wada ognahay Aayatan kariimka ah laba goor oo kale baa lagu soo celceliyay oo sidan ah: وَمَن لَّمْ يَحْكُم بِمَا أنزَلَ اللّهُ فَأُوْلَـئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ }} iyo   وَمَن لَّمْ يَحْكُم بِمَا أَنزَلَ اللّهُ فَأُوْلَـئِكَ هُمُ الْفَاسِقُونَ }}, hadaba sida aad u aragtaan saddexdan Aayatooda Cidii aan wax ku xukumayn Shareecada Allaah tacaalaa soo dejiyay marba waxbaa lagu sheegay, marka hore waxaa lagu sheegay inay yihiin Gaalo, tan ka dambaysa waxaa lagu sheegay in ay yihii Daalimiin, tan ugu dambaysana waxa lagu sheegay in ay yihiin Faasiqiin, markaa waxay ila tahay in Caqli kasta oo fiyoobi garan karo in ay meesha ku jiraan Axkaam badan oo u baahan in mid walba goonideeda loo cadayo, una baahan Culima Rabaaniyiin ah in loo daba fadhiisto oo laga dhegaysto Arimahan, Cidii aan Shareecada Allaah tacaalaa soo dejiyay aan wax ku xukumayn, waxaa dhacaysa in ay Qaarkood ka tahay Jaahilnimo, Qaarna Baqdin, Qaarna Badheedh iwm oo ah sababo aynaan halkan ku soo koobi karayn,

 

Mid walbina ay rabto in lagu cadayo Xukumkeeda, Cida cadaynaysaana waa Culimada Rabaaniyiinta ah ee lagu yaqaano Cilmiga iyo Ikhlaaska, hase yeeshee Kooxdanu waxay uun qaateen Aayata hore kuwa dambe se ma soo qaadqaadaan Ahmiyadna ma siiyaan waayo waxay ka horimanayaan Hawadooda iyo Rabitaankooda, Allaahu mustacaan!!! ee waxay kaga dhigantahay uun in aan Cidii aan wax ku xukumin Shareecada Islaamka ee Allaah tacaalaa soo dejiyay ay yihiin Gaalo,Diinta oo dhana sidaas oo kale ayay ka qaataan oo ku dhegaan wixii Hawadood iyo Rabitaankooda waafaqaaya wixii ka horimaanaye se way iska Indha tiraan oo ahmiyad ma siiyaan. Dhinac kale hadaynu ka eegno Kooxdan, Kooxdanu waxay u badan yihiin Dad Aqoonyahano ah oo ku ah Aqoonyahano Aqoonta Maadiga ah Laameheeda kala gedisan, mase danayaan barashada Culuumta Shareecadeena wanaagsan, Hagaajinteedana iskuma hawlaan sida in la inkiro Shirkiga, Bidcada, Khuraafaatka iyo dhamaan wixii aan Diinta ka midka ahayn ee xumeeyay Muuqaalkii Islaamka.

 

Waxay aaminsan yihiin hadii Arimahaa laga hadlo ama la dhex galo in ay keenayso kala qaybsanaan iyo iska horimaad Muslimiinta dhexdeeda ah oo lays colaysto, halkaasna ay ku baaba’ado Himiladii Dowlada Islaamka ee ay hiigsanayeen. Sidaas darted kama hadlaan Arimahaas aan kor ku soo xusnay oo dhan, oo Ummada Munkarada noocyadaas ah ugama digaan, bal waxay qabaan in Qof kasta iyo Koox kastaa ugu dhaqmaan Islaamka siday la tahay ee Hawadoodu siiso, uun se aan ka midowno sidii loo raadin lahaa oo loo oogi lahaa Dowlad Islaam ah. Subxaana Allaah wixii Aasaaskiisu yahay Baadil waa uun Baadil, sidaas darteed waxaad arkaysaa Kooxdanu iyaga oo ku daba tukanaaya Shiicada Xagjirka ah Qaybahooda kala duwan, Kooxaha Shiicada ahna intooda badan way gaalaysiiyaan Culimada Islaamku hore iyo hadadan aan joognoba, marka laga reebo Kooxda la yidhaahdo Saydiyiinta

 

Allaah tacaalaana wuxuu in ku yidhi hadaad Allaah u hiilisaan wuu idiin hiilin: {إن تنصروا الله ينصركم } {Tan Wuxuu amray Allaah tacaalaa hadii aan Allaah ugu hiilino raacitaan Diintiisa ah oo aan ku toosnaano oo fidino Dacwadeeda oo ugu yeedhno Ummadaha kale soo gelitaanka Diintan oo aan ku jihaadno Cadawgiisa oo ujeedada aan taas ka leenahay tahay Allaah dartiis uun, hadaan sidaas samayno Allaahna waa inoo hiilinayaa}, si kastaba ha ahaatee Kooxdanu Halgama badan oo ay doonaayeen in ay Xukumka ku qabsadaan bay ka samayeen Wadama badan oo Islaam ah, Dhalinyaro aad u fara badana waxay Xaabo uga dhigeen Dagaaladaa aan Xaqqa ku salaysnayn oo lagu laayay, Tusaale waxaan u malaynayaa inaad la socotaan sideetanaadkii in Maalin keli ah lagu laayay 10,000 oo Qof oo Kooxdaas ah Dalka Suuriya, wixii laga laayay iyana ay Ummad galaafteen Algeria ma soo koobi karo, Masar sidoo kale iyo Wadama badan oo kale, Madaxdoodii laga soo bilaabo kii aasaasay in badan oo ka mid ah baa la laayay.

 

Wax badan baa Kooxdan laysaga sheegi karaa oo aynaan hada Qoraalkan ku soo koobi karayn, ee waxaan uga jeedaa soo qaadashada Kooxdan in aan u iftiimiyo in badan oo is waydiinaysa Dacwadii barakaysnayd ee aan kor ku soo xusnay Dadkeedii Qaar maxaa Jidkii toosnaa ka leexiyay?! Waxa dhacday in intii Dacwada barakaysani ay socotay ay Weerar xaga Fikirka ah ay ku soo qaadeen Dhalintii Dacwada baranaysay Kooxdan Ikhwaan Almuslimiin, sidaan kor ku soo xusnayna Kooxdaasu waxay u badan yihiin Dad Aqoonyahano ah laakiin se Shaydaanka iyo Hawooyinka Nafahoodu ay ka weeciyeen Jidkii toosnaa, waa Dad aad u yaqaan sida Dadka loo soo jiito oo looga dhaadhiciyo Fikirkaaga, iyaga oo ka faa’iidaysanaaya Xaaladaha ay markaas Dadkaasu ku sugan yihiin, Dhalintaas Dacwada barakaysanina waxay markaas ku sugnaayeen Xaalad ah Xamaasad Diini ah iyo Islaam jacayl laakiin aanay weli Cilmiga ku talaxtegin oo wax aad u badani ka qarsoon yihiin

 

Sideedabana Mowduuca Dowlada Islaamku iyo in laysku xukumo Shareecada Allaah tacaalaa soo dejiyay waa mid uu soo dhowaynaayo Qof kasta oo Muslim ah oo danaynaaya Diintiisu, waa Arin soo jiidasha leh, markaa halkan ayay Kooxdanu ka soo gashay Dhalintii Dacwada barakaysan oo ay Qaar badani u guuxeen, markii dambena qaateen Fikirkoodii iyo Ra’yiyadoodii Sunta ahaa ee Xaqqa ka fogaa. Waxaa jira Arima kale oo qayb ka qaatay in ay Jidkii ka leexdaan Dhalintii Dacwadu oo ay ka mid tahay Cadaaladadarada baahsan ee ka jirtay Wadamada Islaamka iyo Aduunka dhamaantiisba iyo ka fogaanshaha ay Dad badan oo Muslimiin ahi ka fogaadeen Diintooda iyo Dowladaha Reer Galbeedka oo Diintooda iyo Fikirkooda iyo Khuluqooda ku dhex fidinaaya Dhalintii Muslimiinta oo Maskaxda ka qabsaday ilaa ay dhacday in laba kala garan waayo labadii Qolo, Dowladaha Islaamkana ay siday doonaayaan ka yeelayaan oo aad moodo in ay dusha ka xukumaan, eex baahsana ka gelayaan Qadiyadihii Muslimiinta.

 

 Arimahaa iyo kuwa kaloo badan ayaa runtii ku taageeray oo ku dhiiri geliyay in Dhalintaasu ka leexdaan Jidkii toosnaa. Waxaana Fikirkanu ku sii labalaxaadsaday Dhalinyarta oo suuragal ka dhigay halka ay Arimuhu Maanta gaadheen, waa Dagaalkii Jahaadka ahaa ee lagula galay Afghanistan Ruushka iyo Gaashaanbuurtiisii, kaas oo ay u ogolaadeen kuna dhiiriyeen in Dhalinyaradu ka qayb qaataan dhamaan Xukuumadaha Islaamka marka laga reebo in yar oo Cilaaqaad saaxiibtinimo oo wanaagsani uu ka dhexeeyay Ruushka. Waayo Arintan Jahaadka Afghanistan waxa watay Dowladaha Reer Galbeedka oo Mareekanku hor boodaayo,

 

Waxaan xusuustaa iyada oo uu Madaxwaynihii hore ee Mareekanka ee Waqtigaas Ronald Reagan uu ku soo dhoweeyay Guriga Cad Odayaal Reer Afghanistan oo Cimaamada waawayn xidhan, waana Cimaamadaha Maanta Reer Galbeed oo dhami ka xanaaqaan ee!!!!, markaas ayuu intuu is dhex taagay yidhi: “kuwanu waa Mujaahidiin, waxay I xusuusinayaan Awoowayaalkay markay Jahaadka kula jireen Gumaystihii”!!! yaab subxaana Allaah hadmuu noqday Dagaalkii Gaalada dhex maraayay Jahaad, laakiin se maxaan ula yaabayaa inaba Ururadii Cunsuryiinta ahayd ee Dalka burburiyay ee Shacabka iyo Xukuumada aan kala soocayn ee Qabiil dartii u diriraayay waxaa Dagaalkooda ay odhan jireen waa Jahaad, Mooryaanta ka sii hadhayna waxaa loogu yeedh yeedhaa Mujaahid hebel!!!

 

Hadmay se Gaalo Muslimiinta Jahaad geliyeen oo u horkaceen, runtii Culimadu berigaa in kasta oo aan waxbaba laga waydiin Arintan waa ay waafaqsanayeen waayo wax walba waxay ka horaysiinaayeen in Dad Muslimiin ah lagu soo duulay Waajib Diini ahna ay tahay in loo hiiliyaa, laakiin se Qaar badan baa Talooyin soo jeediyay aan la qaadan, hadii la qaadan lahaana lagaga hortegi lahaa siday Markii dambe wax u dhaceen, waxaan uga jeedaa halkan Jahaadkii Afghanistan iyo Bosna ba in kastoo Dal iyo Dad Muslimiin ah loogu hiilinaayay, hadana dhinaca kale waxaa Wadamadii Islaamka kaga soo noqotay oo ay sababeen Musiiba wayn oo ilaa Maanta Xal loo la’yahay. Waana in Dhalintii ka qayb qaadatay ay halkaa ugu tageen Kooxihii ku baaqaayay in Cidii aan Shareecada Allaah tacaalaa soo dejiyay wax ku xukumin ay yihiin Gaalo, Fikirkaa Xagjirka ahi halkaa ayuu ku sii koray Maskaxdii Dhalinyarada, waxayna halkaa ku qaateen oo fursad u heleen Tababaro kala gedisan oo ay ka mid ahayd Ismiidaamintu, taas oo Asalkeedu ka soo jeedo Shiicada, laakiin ay dhiiri geliyeen oo ku tababareen Dhalinta Kooxdaa Ikhwaan Almuslimiin iyo Kooxa kale oo Xagjir ahiba,

 

Afghanistaan waxay noqotay Bii’ad ku haboon in Fikirkan Xagjirka ahi ku koro oo ku barbaaro, mana ku ekaan Dhalintii Dacwada oo keli ah ee wuxuu saamayay Kooxa badan oo Islaamiyiin ah oo ku kala tagsan Arima fara badan, marka lagu daro Dhalintii Dacwada Koox waliba iskeed bay isu habaysay oo kama mid noqon Kooxdii iyadu Fikirkan lahayd ee laga wada qaatay waa Ikhwaan Almuslimiin ee, waayo marka laga tago Fikirkan rabitaanka iyo doonista Dowlad Islaam ah, wixii kale ayay badnaa ku kala duwan yihiin, taas ayaana Caqabad ka dhigtay in ay badnaa Midoobaan. Ugu dambayntiina Dhalintaasu markii ay ku soo noqdeen Wadamadoodii oo Dagaalkii Afghanistan dhamaaday, waxay noqdeen Qumbulad ku qaraxday Wadamadaasi iyo Caalamkii oo dhanba. Barashadii Cilmiga gees ayay iska dhigeen waxayna bilaabeen in raadiyaan Dowlad Islaam ah oo Shareecada uu Allaah tacaalaa soo dejiyay Dadka ku xukumta, waxaa la yidhi: “Nina wax aanu haysan Cid ma siiyo”

 

 Hadaad barashadii Cilmiga ka tagteen oo iska dhaafteen xagaad ka keenaysaan Cilmiga kuu suura gelinaaya inaad Shareecada Islaamka wax ku xukumto, hubaal waa kii aad ku xukumteen Gabadhii aad Kismaayo ku disheen ee Baadilka ahaa!!! Xaqiiqdii Arinta ay Dhalintanu la timi waa Musiibo ku habsatay Dhul badan oo Islaam ah oo u baahan Dad u kaca oo Xikmad ku daawaya.

 

Pakistan iyo Kooxaha Islaamiyiinta ah

 

Pakistan waa Dowlad Goboleed ka mid ah Quwadaha waawayn ee Aduunka ee haysta Hubka wax gumaada ama Nuclear ka, waana Dowlada keli ah ee ka haysata Hubkaa Caalamka Islaamka. Pakistan waxaa tartan iyo Cadowtinimo soo jireen ahi ka dhexaysaa India, taas oo soo jirtay ilaa iyo markii ay kala go’een labada Wadan markay Xoriyada qaateen ka dib, iyagoo intaa ka hor isku Wadan keli ah ahaa, waxayna ku muransan yihiin labad Wadan Gobolka Kashmir oo midkood waliba sheeganaayo dhowr Dagaalna ay ku dhex mareen labada Wadan, iyadoo ay Gobolkaa labada Dowladood Qolo waliba qayb haysato, kaas oo ah Gobol aad u Qani ah xaga wax soo saarka Beeraha. Dagaaladii dhex mari jiray labada Wadan mid ka mid ah waxay India ku guulaysatay iyada oo taageero Maadi ah ka helaysay Wadamadii Reer Bariga iyo mid Macnawi xaga Reer Galbeedka in ay u kala qaybiso Pakistan laba Dowladood oo hada la kala yidhaahdo Pakistan iyo Bangaladesh,

 

Waxana sii fududeeyay Guushaa ay gaadhay India, iyadoo Juqraafi ahaan ay Pakistan kala qaysanayd oo India awelba u dhexaysay labada qaybood ee Bariga Pakistan (Bangaladesh) iyo Galbeedka Pakistan (Pakistan), waxa kale oo sii fududayay Guusha ay India gaadhay, iyada oo Dadka Reer Bangaladesh ay doonayeen in ay Pakistan ka go’aan oo ay Dagaal hubaysan kala hor yimaadeen Ciidamadii Pakistan iyaga oo Garab siinaaya Ciidamadii India, in kasta oo ay markii dambe qoomamayeen, markay heleen Gooni isu taagii ay ku dhololayeen, halkan waxa haboon in ay Cibrad iyo Deris ka qaataan Soomaalida ku dhololaysa Gooni isu taagu ee uu madaxmaray Maanta, Dhacdadaa iyo kuwa la midka ahba oo aanay Caadifad Indha la’aan ah uun iskala ordin ee Arimahaa si Qota dheer uga fekeraan, Jabuutiba waa Dowlad wax macnaha ma samaynayso maxay haysataa khatar bay dhinac kasta kaga sugan tahay ee.

 

Pakistan Dhibtaa soo gaadhay way ka soo kabatay oo dib bay isu dhistay, waayo iyadaa awel ba quudin jirtay Bangaladesh oo culaysku saaraa oo labada Dhinac waxa Baahi badnaa Bangaladesh. Hadaba sidaynu hada xusnay Pakistan way ka soo kabatay Dhibkaa soo gaadhay waxayna halkeedii ka sii wadatay Tartankii ay kula jirtay India oo ka Dhaqaale iyo Dadba badan iyo weliba Saaxiiboba, Pakistan waxay Xidhiidh Saaxiibtinimo la leedahay China oo ay Cadaawadi u dhexayso India oo Dhul ay ku muransan yihiin, iyana taageerada ay siisaa Pakistan aad bay u xadidan tahay, Dowladaha Reer Galbeedka oo ay marmar isku soo dhowaadaan iyana marna ma siiyaan wax taageero ah oo meel mar ah sida ay u siiyaan India gaar ahaan xaga Qalabka Ciidanka, waayo had iyo jeer Il gaar ah bay ku hayaan Pakistan Reer Galbeedku oo Dadkeeda ayaa Islaamnimada ku adag, sidaas darteedna lama rabaan inay wax Hurumar ah gaadho.

 

Markay bilowday India in ay samaysato Hubka Nuclear ka ah oo ay ka caawisay Dowlada Russia Dowladaha Reer Galbeedkuna ku taageereen Technology badan oo ay uga faa’iidaysan karto samaynta Hubkaas, ayaa waxaa qasab ku noqotay Pakistan inay samaysato Hubkaa wayna ku dhaqaaqday iyada oo aan Cidna taageero ka helayn, waxayna ku guulaysteen Culimada Pakistan in ay samayaan Hubkaa Nuclear ka ah oo weliba la cadayay in uu ka Tayo wanaagsan yahay kay samaysatay India, xaga Ciidamada iyo Qalabka Ciidamada iyada oo ay India tahay Dowlada labaad ee Aduunka ugu Dad badan Dhaqaale fiicana ay leedahay, ayay waxay samaysatay Ciidan iyo Qalab Ciidan oo aad uga badan kan Pakistan, taas bedelkeeda Pakistan waxay leedahay Ciidan iyo Qalab Ciidan oo aan yarayn, waxayna samaysatay Ciidanka Maanta Aduunka oo dhan ugu Tababarka fiican

 

Hadaynu eegno dhinaca Kooxaha Islaamiyiinta ee ka jira Pakistan iyo Afghanistan waxbaa ka jira Hadalka ay Qoraagu ka sheegtay ee ah in Pakistan iyadu samaysay Kooxaha Islaamiyiinta ah markii hore in kasta oo ay buunbuunisay ama sida dhabta ah ee ay Arintaasu mudan tahay aanay u sheegin, waana tan hore waxay taageero Maadi iyo Macnawi ahba siisay Koox Dadka Reer Kashmir u samaystay in ay u dagaalamaan siday Gobolkooda uga kicin lahaayeen Ciidamad India, Kooxdaas oo uu markii dambe soo dhex galay Fikirka Xagjirka Islaamiga ah ee aynu ku soo xusnay kor waxayna u kala qaybsameen dhowr Kooxood oo mid waliba goonideeda ula dagaalamayso Ciidamada India, Kooxahaa Gabaad iyo Fadhiisimo waxaa u ahaa Dalka Pakistan

 

Sidaas oo kale Afghanistan oo Pakistan dhinaca Woqooyi jaar kala ah waxa weeye Shacabkeeda 60% Qoomiyada Pashtun ka, kuwaas oo Pakistana degan Gobolada Woqooyi oo lagu qiyaaso in ay ka yihiin Shacabka Pakistan 15% oo Mandaqadaha Qabaa’ilka oo ay Qoraagu ka sheekaynaysay waxaa degan Qoomiyadaa, markii Dagaalkii Afghanistan ee lagula jiray Ruushku dhamaaday oo ay Mujaahidiintii qabsadeen Afghanistan, ayaa waxaa halkaa ka dhacday taa Somaliya ka dhacday oo kale, oo Mujaahidiintii baa kala qaybsantay oo ku diriray sidii midkood waliba Awooda u qabsan lahaa oo u xukumi lahaa Wadanka, waxa halkaa ka dhashay tira badan oo Dagaal Oogayaal ah oo ku herdamaaya Xukumka.

 

Dowlada Pakistan oo iyadu Qayb Libaax ka qaadatay Dagaalkii hore ee Jahaadka ahaa la’aanteedna aan lagu guulaysteen Dagaalkaa, ayaa markay Arimuhu sidaa isugu murgeen Afghanistana ay u tahay Amniga Pakistan muhiim ayaa waxay garawsatay hadii Arimuhu sidaas ku sii socdaan in Amnigeedu Khatar gelaayo, oo Cadawgeedii soo jireenka ahaa ee India halkaa u soo fadhiisanaayo, iyada oo ay dhinacyadii ku diriraayay Afghanistan ay Qaarkood Cilaaqaad la samaysteen India oo ay taageero ka heleen, markaa waxaa qasab ku noqotay Pakistan in ay Arintaa ka hor tagto oo wax ka qabato, waxayna samaysay oo ka soo abaabushay Xeryihii Qaxootiga Reer Afghanistan Koox aan hore loogu aqoon Saaxada Dirirta ee Afghanistan waana Ardaydii Cilmiga baranaysay ee ku sugnaa Xeryaha Qaxootiga

 

Kooxdaas oo la magac baxday Daalibaan ayay waxay siisay Xukuumada Pakistan Tababaro fiican iyo Qalab Ciidan oo laxaad leh. Sidaas bayna Dagaalkii ku galeen Muda yar gudeheedna waxay qabsadeen Afghanistan inteedii badnayd oo qiyaastii ahayd 95% Dhulka Afghanistan, inta ka hadhsanaydna oo ahaa Dhul istaraatiiji ah oo ku dagaalankiisu adag yahay way ku hareeraysnaayeen, inuu Gacantooda ku dhacona waxay ahayd Arin laabud ah, hase yeeshee intaanay taasu dhicin ayaa waxaa dhacay Qaraxyadii 11 september ee Mareekanka, taas oo bedeshay Siyaasadii Aduunka gebi ahaanba, markii ay Kooxda Daalibaan bilowday Dagaalka isla markiiba waxa taageeray Ururka Alqaacidah oo ka mid noqday Safafkoodii oo ka barbar dagaalamay, iyagoo welina sii wata waxay ku magcaabeen Jahaadkoodii Caalamiga ahaa, Madaxdoodiina dhamaan waxay u soo wareegeen Afghanistan.

 

Laakiin se Arintanu kama farxin Xukuumada Pakistan oo waxay dareemeen isla markiiba khatarta uu leeyahay Ururkan Alqaacidah iyo Dhibta uu u keeni karo labada Wadanba, sidaas darteed waxay Xukuumada Pakistan cabashooyin uga gudbisay Arinta Ururkan Xukuumadii Daalibaan ay kaga dhaadhicinayso khatarta uu leeyahay Ururka Alqaacidah, laakiin se sida lagu yaqaano Kooxaha Islaamiyiinta ee Jahaadiyiinta ah ee aan lahayn Aragtii Siyaasadeed oo dheer way ka dhega adaygeen Daalibaan Codsiyadii Xukuumada Pakistan, ka dib Shirar badan oo Taxane ahaa oo dhex maray labada dhinac, waxaa ugu dambayntii lagu heshiiyay inaan loo ogolaan Alqaacidah in ay Dagaalo iyo Qaraxyo ka samayaan meel ka baxsan Afghanistan, sidaas ayayna ku Balan qaaday Xukuumadii Daalibaan, hase yeeshee Daalibaan ma oofin Balanqaadkaa

 

Ilaa ay dhaceen Qaraxyadii 11September ee Mareekanka, taas oo Siyaasadii Caalamka wax wayn ka bedeshay Pakistana gelisay Wadci aad u cidhiidhi ah oo khatar ah, iyada oo Khubaro badan oo Siyaasadaha Aduunka ku xeeldheeri rumaysan yihiin in ay lug wayn ku lahaayeen Sirdoonka Reer Galbeedku Qaraxyadaa, layskuma hayo in ay fuliyeen Alqaacidah, bal se waxa la rumaysan yahay inay Sirdoonka Reer Galbeedku Alqaacidah ku hageen taas una fududayeen, iyada oo aan shaki ku jirin in Sirdoonka Reer Galbeedku ay ku dhex milmeen oo ka dhex shaqayaan dhamaan Kooxaha Islaamiyiinta ah, si kastaba ha ahaatee Arintanu waxay u noqotay Maamulkii Mareekanka oo markaa wax yar ka hor la doortay oo ay isku soo urursadeen Siyaasiyiin Xagjir ahi, Fursad Dahabi ah oo ay Reer Galbeedku wax kaga qabtaan Quwadan Islaamiga ah ee soo koraysa waa Pakistan ee iyo Wadama badan oo kale oo Muslim ah oo ay ugu horayso Ciraaq.

 

Dhamaantiin waad wada ogtihiin Hadalkii Madaxwaynaha Mareekanku ee uu Maalintaa jeediyay waxaa ka mid ahaa Hadalkiisii caan baxay ee: “ama anaga na raaca ama iyaga”, Hadalkaa wuxuu ula jeeday Pakistan, si toos ahna waa loogu sheegay Madaxwayne Musharaf, oo loogu hanjebay in Pakistan la weerari doono hadaanay Faraha kala bixin Afghanistan oo weliba ka qayb qaadan Daagaalka lagu qaadaayo oo aanay Dhulkeeda u furin Ciidamada Isbahaysiga Reer Galbeedka si Dagaal loogaga qaado Afghanistan, dabcan Pakistan kama hor tegi karto Awooda intaa le’eg, markaa waxay ku noqotay laba kuu daran lagu kala dooran sii, waxayna doortay in ay la shaqayso Ciidamadii Isbahaysiga Reer Galbeedka si kasta Xanuun ha ugu lahaatee waa wax aanay ka fursanayn, si ay u badbaadiso Dalkeed iyo Dadkeeda, iyada oo si fiican u og Cidhibta xun iyo Jaahwareerka ay Arintaas kala kulmayso ayaanay hadana jirin Jid kale oo u banaana oo ay kaga bixi karto, waxaana waxaas u soo jiiday Kooxahan Xagjirka ah ee aan lahayn Aragti Siyaasadeed oo dheer Masuuliyadna aan qaadi Karin ee ragaadiyay Caalamkii Islaamka oo dhan ee ku soo hugaamiyay Cadaw ka xoog badan oo aan naxariisanayn

 

Waxay kaloo Arintani iyana Fursad Dahabi ah u noqotay India oo ka faa’iidaysatay Jaahwareerka ay ku jirto Pakistan oo aad u hurumarisay Awoodeedii Ciidan iyo Dhaqaaleba, ilaa ay gaadhay in ay Dayax Gacmeedyo Cirka u dirto, hadii Xabad yar lagu soo rido ama Wadankeeda meel Qarax ka dhacona ay Ciidankeeda oo dhan soo tubto Xuduuda ay Pakistan la leedahay iyadoo og oo si fiican isugu halaynaysa Siyaasada Reer Galbeedka ee Maanta ka dhanka ah Pakistan iyo Joogitaanka Ciidamada Reer Galbeedka ee Pakistan iyo Afghanistan, waxay kaloo ku guulaystay India in loo ictiraafo dhamaan Kooxihii ka dagaalamaayay Kashmir in ay yihiin Ururo Argagixisa ah laguna qasbay in ay Pakistan sidaas aqbasho

 

Bal Musiibada ay Maanta u soo jiideen Kooxahaa Xagjirka ahi Pakistan waa waxa ay la damacsan yihiin Reer Galbeedku oo waa tan ay ku warwareegayso Qoraagu oo ah in Hubka Pakistan ku dhici karo Gacanta Argagixisada, sidaas darteedna ay tahay in Caalamku Gacanta ku qabto Hubkaas. Hadalkanu runtii waa mid ka jira oo lagu hadal hayo Saaxada Reer Galbeedka, marar badana ay Media ha ka sheegeen Madax Reer Galbeed ahi gaar ahaan Mareekanka, Allaah kama dhigo dhicina mayso inshaa Allaah waa jirtaa Dhib iyo Jaahwareer badan oo haysataa Pakistan, laakiin se Awood iyo Khibrad bay u leedahay in ay ka badbaado

 

Kooxaysigu waa Bidco aan Islaamka Asal ku lahayn

 

Waxaan wada sheekaysanay Nin Dhalinyaro ah oo ka mid ah Kooxahaa lagu ibtilayay Fikirka Xagjirka ah, Ninkanu wuxuu u dhashay Dalka Suuriya, wuxuuna ka soo qayb qaatay Dagaala badan oo ka dhacay Ciraaq, wuxuu ii sheegay in Dagaalkii wayna ee ka dhacay Faluuja uu ka qayb qaatay, wuxuuna igu yidhi: “Maalin Maalmaha ka mid ah anagoo ku jira Dhufaysyadayadii ayay na duqayeen oo na soo weerareen Diyaaradihii Mareekanku laba Saaruukh bayna nagu soo rideen halkii aanu ku jiray, dhamaan Raggii dhinacyada iga xigay way ku dhinteen Duqayntaa, aniga iyo Nin kale ayaa ka badbaadnay aniguna waan Miyirbeelay, tiradoodu inta ay ahayd iimuu sheegin ana ma waydiin”, wuxuu igu yidhi halkan bayna Cibradu ku jirtaa ee: “anigu Goobtii baan ku Miyirbeelay oo layga qaaday, intii aan Miyir la’aana waxay ila ahayd in aan dhintay, waxaana is waydiinaayay: meeday Jannadii? Meeday Xuur Alcayntii? Meeye Webiyadii iyo Beerihii? Ilaa aan miyirsaday, markaana aad baan uga cadhooday in aanan Shihiidin, oo aan ogaaday in ay Asxaabtay Shihiideen oo iiga dheereeyeen Jannadii”.

 

Arintani waxay ina tusinaysaa Caqiidada Dhalintan loo laqimay iyo Dhibta Maanta inala soo gudboonaatay inta ay baaxad le’eg tahay, waxay yidhaahdeen Jannada ayaa lagu gelayaa Daadinta Dhiiga Muslimiinta iyo Dadka aan waxba galabsan Millada ay doonaan ha ahaadeen ee, oo aan loogu kale aabayeelayn mid jilicsan iyo mid xoog ah, mid Ciroole ah iyo mid yar, mid dembi leh iyo mid aan dembi lahayn iwm!!! Bal waxaa lagu gelayaa Jahanamo iyo Jaxiima iyo Samhariira iyo intii Allaah tacaalaa inoogu sheegay Cadaab Quraanka kariimka, Kulahaa Jannaa lagu gelayaa!!! Waxa u sugnaatay Aduunyada Hoog oo Naftiisii buu dilay Aakhirona Cadaab iyo Halaag baa kaga horeeya

 

Kooxahakanu waa Ibtilo loo soo diray Muslimiinta oo Dhib iyo Dhimasho iyo brakac iyo Argagax u gaysanaaya, oo kala qaybiyay Safkii Muslimiinta iyada oo Diinteenu tahay mid keli ah, Jamaacada Muslimiintuna tahay mid keli ah, kooxaysiga iyo kala tegistana Allaah tacaalaa wax badan inooga digay iyo Rasuulkiisuba sala Allaahu calayhi wasalam, markaa kooxaysigu sidiisaba waa Bidco aan Diinta Asal ku lahayn, waayo Allaah tacaalaa wuxuu inagu amray in aynaan ku kala tegin Diinta oo aynaan koox koox noqon, waana badan yihiin Aayataha Quraanka kariimka ah ku jira ee Arintaas cadaynayaa sida Hadalka Allaah tacaalaa: وَلَا تَكُونُوا مِنَ الْمُشْرِكِينَ مِنَ} الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُمْ وَكَانُوا شِيَعاً كُلُّ حِزْبٍ بِمَا لَدَيْهِمْ فَرِحُونَ { {Ha ka mid noqonina Mushrikiinta kuwii ku kala tegay Diintooda oo ku kala qaybsamay iyada oo ay Diintu tahay mid keli ah waana Caabudaad oo aan loo badhax yeelin Allaah kelidii, waxayna noqdeen Kooxo mid waliba ku heelan tahay u hiilinta Baadilka ay haystaan, Koox kasti wixii ah Culuum ee khilaafsan Culuumtii Rasuulada ayay ku faraxsan yihiin oo ay u xukumayaan Nafahooda in uu Xaqq yahay iyo in qayrkood ku sugan yihiin Baadil, arintana waxaa ugu sugan Muslimiinta Digniin in aanay ku kala tegin oo u qaybsamin Kooxo, oo Koox waliba ku tacasubto wixii ay haystaan ee Xaqq iyo Baadilba ah, oo ay sidaas ku noqdaan kuwa shabahay Mushrikiinta xaga kala tegista iyo Kooxaysiga, ee bal Diintu waa mid keli ah, Rasuulkuna waa mid keli ah, Ilaahuna waa mid keli ah}

 

Waxa aad aad ula yaabaysaa mararna kaaba qoslinaaya siday Kooxahanu xataa Baadilkan iyo Kharbudaada ay wadaan aad moodo in aanay ugu tala gelin in ay Cidi la wadaagto Jannada ay aaminsan yihiin inay ku gelayaan oo xataa kii iyaga u hiiliya ama taageera ay boqnaha gownayaan!!! Waxaa aad ii cajebiyay oo I soo jiitay wixii uu ka yidhi Cartoonist ha wayn ee Caalamiga ah ee Soomaaliyeed Amin Caamir Dhacdooyinkii Hargaysa iyo Bosaaso, in kasta oo aan aad uga helo dhamaan Cartoons kiisa, si gaar ah Cabiraad ka sokow waxa I soo jiita sida uu Siyaasada u odoroso, wuxuu ku cabiray Qaraxyadaa Hadalkiisa ah: “Doqoniimada aan xuduuda lahayn”, dhab ahaantii waa Doqoniimada aan xuduuda lahayn, ka sokow Dadkii Rayidka ahaa ee halkaa lagu xasuuqay iyo marka aynu Puntland dhinac iska dhigno, Somaliland Maalintaa waxaa ka taageersanaa Ururka Alshabaab nisbad aan ka yarayn 95%, Dadku inta badani waxay u taageersanaayeen in ay yihiin Alshabaab kuwa ay ka shaqayn kari wayday Dowlada Federaalka ahi ee Hadh iyo Habeen Dagaalka kula jira.

 

Laakiin Maalintaas taageeradaasu waxay hoos ugu dhacday Saacado gudohood 5% markaa miyaanay Weedhaasu ku haboonayn “Doqoniimada aan xuduuda lahayn”, Kooxahakanu ma garanayaan waxay ay ku kacayaan Cidhibta ee ay ku reebayso Dadka iyo Dalkaba, Maanta waxaynu ku jirnaa Waqti ay Ummadii oo dhami ay ku jirto Argagax oo aanu Qofku aamini Karin in uu Gurigiisa ku fadhiisanaayo nabad, oo aanu Suuqa ku mari karayn, waayo wuxuu ka baqayaa inuu kula kulmo Qaraxyadaa aan loo miidaanka deyayn. Dhacdadii ugu dambaysay waxay ka dhacday Dalka Pakistan Magaalada Peshawar Xaafad ay Dad Rayid ahi degan yihiin baa Gaadhi Miinaysani isku soo miidaamiyay, laba Guri ayaa Dhulka la dhigay, Meeshuna waxay ahayd Suuq Dadku ku badan yahay, Dhimashadu waxay gaadhay ilaa 30 Qof, Dhaawacuna Boqolaal,

 

Goobtaa wax Bartilmaameed ah oo ka ag dhowaa ma jirin, waxa laga yaabaa se in Qof la doonaayay uu meesha joogay, oo waxaas oo Dad ah aan waxba galabsan awgii loo laayay, marka ma taas baa Jahaad ah oo Janno lagu gelayaa!!! Bal waa Fasaad iyo Kharaab lagu samayay Dhulka korkiis oo lagu mudanaayo Halaag Aakhiro iyo Aduunkaba, waxa aad sidaas aad wadaan isku hor taagaysaan oo Dadka u bahala gelinaysaan in ay Diinta soo galaan, in aanay marnaba Muslimiintu aqbalin in Shareecada Allaah la isku xukumo, waxaad u muujiseen Islaamkii Suurad xun oo uu barii ka yahay, waxaad is hor taagaysaan Dacwadii, Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam iyo Asxaabtiisii ridwaanu Allaahi calayhim waxay Jahaadka u galeen waxay ahayd Dacwadii baa lays hortaagay, laakiin inaga way inoo furan tahay oo xataa waxaa laynooga ogolaa Wadamadii Gaalada, Dadkuna Raaba raabe iyo Qof Qof bay u soo gelayeen Islaamka ilaa ay dhaceen Qaraxyadii 11September ee Aduunka Wejigiisii bedelay, Islaamkana Fikirkii laga qabay xumeeyay iskaba daa Musiibooyinka kale ee ay u soo jiiday Caalamka Islaamka ee

 

Allaah tacaalaa wuxuu Diintan iyo Kitaabkan u soo dejiyay Basharka oo dhan oo uu Maslaxdood Aduunka iyo Aakhiroba xambaarsan yahay, Muslimiintan waxaa Waajib ku ah inay iyagu marka hore si sax ah u bartaan Diinta dabadeedna ay gaadhsiiyaan Ummadaha kale iyagoo u samaynaaya taas si ay ku jirto Xikmada iyo Wacdi wanaagsani siduu tacaalaa yidhi: {ادْعُ إِلِى سَبِيلِ رَبِّكَ بِالْحِكْمَةِ وَالْمَوْعِظَةِ الْحَسَنَةِ وَجَادِلْهُم بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ } {ha noqdo Maxamedow sala Allaahu calayhi wasalam ugu yeedhitaankaaga Khalqiga Muslim iyo Gaalba ilaa iyo Jidka Rabigaaga ee toosan ee ah Cilmiga Nafciga leh iyo Camalka wanaagsani mid ku salaysan Xikmad iyo Wacdi wanaagsan oo ah Tudhis iyo Debecsanaan, yacni Qof kasta sida uu Xaalkiisu yahay iyo fahamkiisu iyo Aqbalaadiisa iyo u Hogaansanaantiisa, waxaa Xikmada Dacwada ka mid ah in kan wax u yeedhayaa uu yahay mid Cilmi u leh wuxuu ku yeedhaayo oo aan ka Jaahil ahayn, iyo inaad ku bilowdo waxa ugu muhiimsan iyo Muhiimka ah oo ugu dhow Dihniga iyo Fahamka iyo ay Aqbaladiisu dhamaystirmayso, adoo ugu kacaaya si Tudhis iyo Debecsanaan ah, kulana Doodtanto hadba sidii ugu wanaagsan ee ugu dhow inaad ujeedada Dacwadaada ku gaadho, adigoo Ujeedadaada Dhabta ahi tahay inaad Khalqiga ku hanuuniso Jidka Rabigooda}

 

Waxaa dhacday in Shakhsiyaal iyo Dowlado Islaamka cadaadin jiray ay markii dambe muslimeen oo noqdeen kuwa Islaamka kor u qaaday, waxaana taas keentay Dacwad Xikmad iyo Wacdi wanaagsan ku salaysan oo loo fidiyay, markaa maxaa inaga inaga horjooga taas, oo aynu uga dooranay Qas iyo Kharbudaad iyo Dhiig la daadiyo? Maxaynu isugu hawli waynay Dacwada inta aynu hurinayno Dagaal aan isu dheel tirnayn oo wax yeeladiisu ku soo uun noqonayso Muslimiinta? Miyaanay dhici Karin hadii Dacwada ku salaysan Xikmad iyo Wacdi wanaagsan la gaadhsiiyo oo ay fahmaan Xaqiiqada Islaamka Tusaale Mareekanka ama Ingriiska ama Fransiiska ama Jarmalka oo ay Dadkoodu Muslimaan, in ay Islaamka kor u qaadaan? Bal way dhici kartaa oo waa wax suuragal ah loona baahan yahay in ay Muslimiintu ku kacdo sidii ay taasu ku dhici lahayd, waxaa Maanta Mareekan iyo Wadamada Galbeedka oo dhan haysta Yuhuud, ma Dagaal iyo Dhiig la daadiyo bay taas ku gaadheen?

 

 Maya, bal waxay ku gaadheen iyaga oo Baadilkii ay wateen in uu Xaqq yahay ugu muujiyay Ummadahaa? Maxaa markaa inaga inaga xiga in Diintan Xaqqa ah aynu ugu muujino in ay tahay Xaqq ay Basharka oo dhami ku badbaadaayo, waana sida ay tahay ee?Waxaan leeyahay Kooxahan Allaah ka cabsada oo ka daaya Dhibta iyo Halaaga aad Islaamka iyo Muslimiinta ku haysaan, Koox iyadu is dooratay oo doonaysa in ay Muslimiinta ku Xukumto Fikirkeeda khaldan waa wax aan banaanayn aana suuroobay, hadaad Xaqq ku taagan tihiin Qarni ku dhowaad baad Dagaal iyo Dhiig la daadiyo wadeen Guul aad ku gaadheena lama hayo, taasuna waxay cadaynaysaa inaad Baadil ku sugan tihiin, waayo Allaah tacaalaa Awliyadiisa waa u hiiliyaa Guushana wuu siiyaa, markaa u naxariista Ummadan aad ka dhigteen wax barakacay, wax dhintay iyo wax Argagax iyo Darxumo ku sugan

 

Kelidood Canaanta iyo Masuuliyada lama saari karo bal waxa la wadaaga Qayba badan oo Bulshada ka mid ah oo ay ugu horeeyaan Culimadu, Culimada si gaar ah ayay Arintan Masuuliyadi uga saaran tahay, waa inay Geed dheer iyo mid Gaabanba u koraan sidii ay Dhalintaa la habaabiyay Xaqqa u tusi lahaayeen. Waxa iyana loo baahan yahay oo ay Masuuliyadu saaran tahay waa Madaxda Maanta Wadanka ka jirtaa inay wax badan ka bedelaan siday Shacabka ula dhaqmaan, Xagjirnimada waxaa quudiya oo koriya Cadaalad darada, Dulmiga, Cadaadinta iwm, Arimahan oo kale ee la xidhiidha Caqiidada uu Qofku aaminsan yahay Xabad iyo Qori Caaradii waxba lagagama qaban karo ee ogaada, Dowlado idinka Awood iyo Dhaqaaleba badan baa ku guulaysan kari waayay. Waxaa se ah wax laga xumaado in Maanta Masuuliinta Soomaali u talisaa aanay Aragtidoodu dhaafsiisnayn Qoriga Askartoodu sidato Caaradiisa, Qorigaas uun buu mid waliba is leeyahay wax ku xalil

 

Kumana Cibrad qaadanayaan wixii ka dhacay Wadankan intii burburkaasu socday, imisaa Nin Awood badan lahaa oo Ciidan badan haystay ina soo maray oo Duhur cad la dhaqaajiyay Ciidankiisiina laga dhigay sidii Tusbax Afka laga furay, markaa waa inay Xalka Caqli galka ah u adeegsadaan Arimahan oo kale oo ogaadaan waxa sababaaya oo daawada ku haboon u raadiyaan. Maalintii Qaraxyadii Hargaysa iyo Boosaaso dhaceen ayaa isla markiiba Magaalada Hargaysa oo Maalmahan dambe ay ku sugnaayeen Dad ka soo fogaaday Dagaalada aafayay Koonfur, ayaa isla markii Qaraxyadu dhaceen baa la geliyay Magaalada in Qabiilooyin gaar ahi ka dambayeen Arintan taas oo abuurtay Jawi kacsan iyo Xiisad Cirka isku shareertay, Nin Wasiir ah baa dabadeed Dadka Media ha kala hadlay si uu u qaboojiyo Xiisada Dadkana uga digo in ay Ficilo Amaan daro keena ku kacaan,

 

Ilaa halkaa Arintu ma xuma oo waa Waajib saaran Masuuliintu inay Dadka u Caqli celiyaan markay dhacaan Arimaha caynkan oo kale ahi, laakiin se muxuu yidhi Wasiirkaasu, wuxuu yidhi: “waa in aan wax Dhib ah loo gaysan Dadka Ajanibta ah, gaar ahaan kuwa ka yimi Koonfur”!!!!! Allaahu mustacaan, waa Arin Murugo iyo Uurkutaala leh oo ku tusinaysa meesha xun ee liidata ee Xaalka Soomaalidu gaadhay Maanta. In badan baan maray Wadama Muslim ah gaar ahaan kuwa Carabta qaarna aan Mudo ku noolaaday welina ma arag Cid I tidhaahda Ajinebi baad tahay ama iila dhaqmaysa sidii Nin Ajinebi ah, bal ka waran Ninka Dhulkiisii hooyo jooga oo Walaalihii ay isku Jinsi yihiin ku dhex jira ee la leeyahay Ajinebi baad tahay!!! Weliba Ninka hadalkaa lihi waa Wasiir, yacni wuxuu ka mid yahay Haya’adii Fulinta ee u saraysay Maamulkaa, bal ka waran kuwa ka hooseeyana!

 

Weli meelba lama kala tegin ee maxaad samayn lahayd haday ahaan lahayd sidaad iska yeel yeelayso. Hadaladaas oo kale ma keenayaan Xasilooni iyo Nabad, bal waxay keenayaan is necbaysi iyo Cadaawad iyo in lays xiqdiyo, waxayna u noqonayaan Shidaal Xagjirnimada waa waxyaabaha ay ka dhalato, waxa iyana raacda Dadka Soomaaliyeed oo Cadawga Gacanta loo geliyo oo taageero lagaga doonto, Dadka oo Jeelasha layskaga haysto ama loogu guro si xaqq dara ah iwm waxaas oo dhami waa Arimaha Dadka Xagjirnimada ku abuuraaya.

Ugu dambayntii waxaan leeyahay haday soomaali qaadan lahayd Xikmadii Boqor Wiilwaal ee ahayd: “Ina Rag wax kasta ku samayay oo Walaalow wuxuu ku dhaamo waayay” waxa hubaal ah in wax badan Xal loo heli lahaa, war Walaalow aan is dayno, war Walaalow aan heshiino, war Walaal aan isu soo joogsano, war Walaalow aan is qaderino, war Walaalow aan isu dulqaadano, war Walaalow aan Xukumka ku heshiin, war Walaalow aan Cadawga meel uga soo wada jeesano, war Walaalow aan Dulinimada iska kor qaadno, war Walaalow aan Wadankeena wada dhisano, war Walaalow aan Shacabkeena u adeegno, war Walaalow aan Dalkeena horumarino, war Walaalow, war Walaalow, war Walaalow ….

 

Wabillaah atowfiiq

webmaster@ceegaag.com