Musharax iyo
Meelo Noofura aan Muranee (P/land)
(Garoowe, December
08, 2008 Ceegaag Online)
Bilihii aan soo dhaafnay Dowlad
GOboleedkan p/land Waxay ku dhawaaqday in loo gudbayo
Qaabka Uu isbadal ku imanayo Musharaxiina uga dhalato
.
Dad badan aya arintaas uriyaaqay oo aad moodeysaa in
awoodi u soo korodhayso. Haddii lawaydiiyo faa' iidada
Qaabkan Cusubi la imanayo,Hadalkoodu wuxuu noqonayaa (Gama
Gama), inkasta oo ay kuu heegayaan in laga gudbayo
Qaabkii Qabiiliga iyo sharci la'aanta, hadana faa'iido
intaas dhaafsiisan oo ay sheegi karaan ma badna,
sharaxaad:
Musharaxiintu waa kooxo oo dad ah oo isu tagay oo wata
afkaar uu midkastaba leeyahay, musharaxu waa in uu soo
bandhigaa siyaasada uu doonayo in dalka lagu maamulo ee
hormar dhinac walba lagu gaarayo, isku barnaamujna
manoqonayaan,musharaxiintuna waa in ay hoosyimaadaan
xeerka dalka.
muwaadinku markuu darso
barnaamujyada ay kala wataan musharaxiintu ayuu go'aan
gaarayaa oo midkood ku darsanayaa fikirkiisa, taasna
waxaa u sahlaya hormarka uu doonayo musharaxa uu
isleeyahay wuu ku gaarsiin karaa.
Tusaale: Hadii aan usoo qaadano qof doonaya in uu
caruurtiisa tacliin u helo, wuxuu darsayaa barnaamujka
tacliinta ee ay musharixiintu kala wataan, markaas kadib
ayuu taageeradiisa siinayaa musharaxa uu isleeyahay
wuxuu abuurikaraa tacliin fiican.
Tusaale kale Hadii aan soo qaadano wuxu noqonayaa
Ganacsade doonaya in ladhimo canshuurta dawlada, markuu
barnaamujyada musharaxiinta derso waxaaa laga yaabaa in
uu taageeradisa siiyo musharaxa ku doodaya in hormar
lagaari kaari karo marka canshuurta dadka laga dhimo.
muwaadinku intuusan musharax ku biirin waa inuu afar
su'aalood waydiiyaa musharaxa uu danaynayo.
1. Maxaad u rabtaa inaan
musharaxaaga kusoo biiro?, jawaabta su'aashan ee
musharaxu waxay noqon karta waxyaabo badan oo kala
gedisan, waxaase hubaal ah in musharaxu uu ku
andacoonayo waxyaalaha uu kutalo jiro inuu qabto.
2. Hadii aan musharaxaaga ku biiro, Maxaad iiqabanaysaa?,
su'aashan musharaxu siyaabo kale duwan ayuu uga jawaabi
karaa, waxaase muhiim ah inuu kuusheego waxa uu
kuuqabanayo, waxaa lagayaaba in uu ku jawaabo shaqaan
abuurayaa, tacliintaan waxkabadelayaa iyo wax lamid ah.
3. Waxyaabaha aad sheegtay in
musharaxnimadu qabanayso hantida lagu fulinayo, xagee ka
keenaysaa?, su'aasha Jawaabteeda siyaabo kala gedisan
ayuu musharaxu uga jawaabi karaa, wuxuu oronkaraa
canshuuraha oo aan iminka la uruurin ayaan si fiican u
soo uruurinaya, hantida qaranka oo laboobayo ayaan
badbaadinaya, deeq dibadeed ayaan helayaa oo balan qaad
baan haystaa iyo wax lamid ah.
4. Waxyaabahan aad tiri waan qabanaya goormaad
bilaabaysa?, goormayse dhamaanayaan?, su'aashan
jawaabteedu waxay ku xirantahay in musharaxa ladoorto,
isla markasna inta uu xilka dawlada hayo oo sida
qaalibka ah aan waxkaqabanayo, waa in ay ku dhamaadaan
xiliga uu xilka hayo.
Halkan labo arin ayaa muhiim ah, waa in muwaadinku
xisaab la diyaar yahay, marka uu musharaxaasi isu soo
taago.
1. Waa in layiraahdaa, doorashadii hore, waxaad
balanqaadey in fulinayso arimahan ee maxaad ka qabatay?
2. Musharaxu wuxuu hore u balan qaadey hadii uusan fulin
in mar danbe ladoorto waa (XAARAAN).
GEBOGEBO:
A. Muusharaxa waa shaqsi kasoo jeeda Qabiil, adeeg oo
kalena iibinaya, waxka iibso musharaxa ugu adeega fiican.
B. Muwaadiniintu waxay sheegayaan in musharaxiintu ay
sugu jiraan labo nooc oo kala ah sidan, Nooc waxay ku
socdaan (Iidheh iyo Dhalanteed), arintooduna tahay (Halgalgalatay),
kuwa kalena waxay u jeedaan (dhab iyo dhawrasho), hadaba
muwaadininta puntland Gaar ahaan diyaariyaha qoraalkan,
waxay is waydiinayaan su'aasha ah, Kuwee la dooran
doonaa?, Kuwase wax dooranaya cadaalad ma loo xulayaa?
Qore: Dr: Haaruun Xasan, Garowe
webmaster@ceegaag.com |