Soomaali badan oo saakay waaberigii hore lagu qab-qabtey
Magaalada Addis-Ababa
(Adis-Ababa, December 25, 2008 Ceegaag Online)
Ciidamada Booliska dalka Itoobiya ayaa Magaalada
Addis-Ababa ka qabqabtey dad fara badan oo soomaali ah
taasoo cabsi ku abuurtey Soomaalidii kale ee
Magaaladaasi ku dhaqnayd.
Shalay waaberigii ilaa xalay ayaa waxaa mar qura hurdada
looga toosay qeylo iyo albaab garaac ay sameeynayeen
ciidamada booliiska federaalka Itoobiya oo guryaha ugu
dhacayay dadka Soomaalida ah kuwaas oo xirxiray cid
kasta oo Soomaali ah oo kasoo hor baxa hadii ay ahaan
lahaayeen waayeel, caruur aad u da’ yar, haween iyo
dhalin yaro intaba.
Inkasta oo aan si saaxi ah loo ogeyn sababta rasmiga ah
ee ka dambeysa xaraaskan hadana waxaa la sheegayaa in
dadka la waydiinayo su’aalo ay ka mid yihiin halka uu
qofku ka yimi, sababaha uu Adis ababa u joogo iyo mudada
uu joogay inta ay la egtahay iyo sida la sheegay hadii
ay jiraan wax xiriir ah oo uu la leeyahay kooxaha ka
dagaalama dalka Soomaaliya.
Arinta la xiriirta xiritaanka Soomaalidan ayaan aheyn
tii ugu horeeysey oo waxay socotey tan iyo dhamaadkii
Ramadaankii ina dhaafay balse waxaa midkan lagu tilmaami
karaa inuu yahay kii ugu badnaa marka ay timaaddo
tirada dadka la xirxiray oo war ku dhow dhow safaarada
Soomaalidu ay tibaaxayaan in tiradu gaareyso ilaa 1,300
(kun iyo sedex boqol) oo qofood oo ku kala xiran ilaa 7
saldhig booliis inkasta oo la sheegay in la sii deyn
doonana weli ma jirto cid lasii daayay.
Ilaa
iyo hada si rasmi ah ugama hadlin dowlada federaalka ah
ee Itoobiya balse arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay
dowlada Itoobiya todobaadkan horaantiisa shaacisay inay
diyaarisay qorshe dhameystiran oo ay ciidamadeeda kaga
soo qaadaneyso dalka Soomaaliya dabayaaqada bishan
December ee aynu ku jirno.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |