Safaradii Musharaxiinta iyo Muranada Maata ee Garoowe
(Garoowe, December
10, 2008 Ceegaag Online)
Waxaa la ogsoon yahay in musharaxiinta
intooda badani ay ka yimaadeen dibada, (Qurbo joog),
imaatinkii dalkana waxay intooda badani ka soo degeen
garoonka diyaaradaha ee kuyaala magalada boosaaso,
waxayna uga soo gudbeen safaradooda gaadiidka dhulka oo
keeenay Garowe.
Runtii si fiican ayaa Musharaxkasta luugo soo dhaweeyey
magaalooyinka Boosaaso,Garowe,Qardho Iyo magaalooyinka
kale ee u kala dhexeeya.
Hadaba, dhamaan dadka ku nool Goballadan waa kuwo
xadaarad dheer leh iyo ilbaxnimo ujeedo qoto dheer leh,
marka loo fiiriyo arimaha dadka musharaxiinta ah ama
madaxdoonka ah sida loo soo dhaweeyey waayo waxaa
dadwaynaha gobaladan ku nool u caado ah in ay soo
dhawaynta musharaxa ama madaxdoonka in yar kadib ugu
jawaabaan hadalo kooban oo ay musharaxa hortiisa kudhego
hadlaan oo isku yiraahdaan (Arboowe aa latahay....Arboowe
aa latahay....Arboowe aa latahay....), oo ku
qoslaan oo katagaan, markaasna ayaana ugu danbeysa.
Taasi waxay ina tusaysaa ama inoo cadaynaysaa in
musharaxiinta joogta Garowe waxa ay maanta ku sugan
yihiin ee soo dhawayntii ka danbeeyey inay tahay (jugjug
meeshaada joog,........jugjug meeshaada joog,........jugjug
meeshaada joog,........).
waxaa kale oo xusid mudan in maalintii ciida Carafo,
tukashadii salaada kadib, uu nin musharaxiinta ka mid ah
oo u sharaxan madaxweyne uu musharaxkale oo isna
madaxweyna u shearaxan ku yiri (Waxad ku wacantahay in
aad isu sharaxdo Madaxweyne ku xigeen, sidaasna aad iigu
noqoto ku xigeen), hadalka musharaxan oo uu ka yiri
garoonkii salaada lagu tukadey, waxaa ka bilowdey murano
iyo doodoh aad u farabadan oo dhexmaraya dadka ku nool
garowe, gaar ahaan goobaha ay isugu yimadaan waxgaradka,
aqoonyahanada, iyo dadwaynaha reer Garowe IWM.
Waxaa kale oo ay murano tira badani ka dhex jiraan
xulashadii wakiilada ee xaga beelaha
Puntland,
taaso ay xiisad badan iyo isku qabsasho ka
dhextaagantahay, waxaana arintan ay cabasho badan oo
cadaalo dara ahi ka jirtaa qaar kamid ah hugaamiyayaasha
dhaqanka, waana arin aad u culus oo keeni karta
xisaabtan beeleed.
Bal aan eegno xiisada muranada garowe sida loogu kala
baxo iyo halka ay isugu biyo shubandoonto, waxaana
haboon in la ogsoonaado, oo lalasocdo, xigmada sugan ee
weedhan, (ISHA DADWEYNUHU DHALIIL BAY ARAGTAA).
Faallo Qore: Dr:Haaruun Hassan, Garowe
webmaster@ceegaag.com |