shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Salaada ciida Carafo sidee laaga tukaday Garoowe

(Garoowe, December 08,  2008 Ceegaag Online) 
 

Maanta oo ay ahayd, maalinta salaada ciida carafo,waxaa magalada garowe isugu soo baxay dadwaynaha muslimiinta ah ee ku nool gobolka nugaal ee caasimada puntland,waxayna dhamaan muslimiintaasi isugu yimaadeen garoonka wayn ee kuyaala xarunta kubada cagta ee magaalada garowe.


muslimiintaasi waxaa ay ku tukadeen salaadii ciida carafo garoonka uu ugu talagalay wakhtigaan oo kale
maamulka dowlad goboleedka puntland,salaadaas oo ah mid dadka islaamka ahi ay tukadaan sanadkasta bishaan oo kale,meelkasta oo ay muslimiintu ay joogaan, salaadaas oo ah sune la adkeeyey, sida loogu soo dajiyey nabigeena muhamed(csw),ee uu yiri waxaan ku dhaaranayaa in aan soomo maalinta (carafo)iyo maalinta(cashuura)hadii aan noolaado.


waxaana kasooqayb galay tukashadii salaada dadwayne aad ufarabadan iyo masuuliyiin aad utirabadan oo isugu jira madax dhaqameedyo iyo madaxda maamulka dowlad goboleedka puntland,tukashadii salaada kadib,waxaa goobtaas khudbado kooban ka jeediyey masuuliyiin isugu jirta labada dhinac oo ay ka mid yihiin,islaan ciise islaan maxamed, madaxwayne ku xigeenka puntland xasan daahir maxamud(afqurac),iyo gudoomiyaha gobolka nugaal cabdi xirsi cali.


dhamaan masuuliyiintaasi waxaa ay khubadooda ku saleeyeen in si wada jir ah looga wada shaqeeyo danta guud ee dowlad goboleeka puntland, sida adkaynta nabadgalyada gobolada,raadinta khalkhalka siyaasadeed, cadowga dibada iwm,inkasta oo uu islaan ciise khudbadiisii ku yiri hadal kooban oo ah(dowlad baan nahay waxba tarimayso dadwaynaha reer puntland), hadalkii oo loo arkayo in uu ku dhaliilayo madaxda sare ee xukuumada puntland,
 

Dr: haaruun hasan (Garoowe)
 

webmaster@ceegaag.com