shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Side munaasabada ciidul Adxaa looga tukaday magaalooyinka Baydhaba ,Muqdisho,iyo Dhuusamareeb.

(Soomaaliaya, December 08,  2008 Ceegaag Online) 

Waxaa saaka looga tukaday munaasabada ciida magaalada baydhaba iyadoo salaada ciida ay saddexda masuul ee dawlada kumeel gaarka ah ee soomaaliya ay ku wada sugnaayeen magaalada baydhaba ayaa hadana saddex meeloodku kala tukadeen ,madaxweyne yuusuf iyo qaar ka tirsan xildhibaanada dawlada kumeel gaarka ah ee somaaliya waxa ay ku tukadeen xarunta madaxtooyada isagoo madaxweynuhu umada soomaaliyed uga hambalyeeyay ciida waxaa uu sheegay in amanka laga shaqeeyo.

Sidoo kale raysal wasaare nuur xasan xuseen nuur cadde iyo qaar ka tirsan xildhibaanada kumeel gaarka ah ee somaaliya ayaa iyana ku tukaday hotelka uu raysal wasaare nuur cadde ka deganyahay magaalada baydhaba Halka Gudoomiyaha baarlamaanka sheikh aadan nuur maxamed (Aaadan madoobe) uu ku tukaday guriga uu ka deganyahay magaalada baydhaba taasi waxay muujinaysa halka uu gaarsiisanyahay khilaafka u dhaxeeya madaxda sar,sare ee dawlada kumeel gaarka ah ee soomaaliya.

Magaalada muqdisho ayaa iyana laga ciiday salaada ciidul adxaa iyadoo ay xasilooni jirto isla markaana waxaadan arkayn caruur aad ufarabadan oo yaacaya dariiqyada magaaladaas sababtoo ah waxaa dalka ka jira sicirbarar xoog leh iyo iyadoo dagaalo joogta ah ka dhacaan magaalada oo dadkii ka barakaceen laakiinse deegaanka ceelasha biyaha ayaa laga iiday isna oo ay joogan dadkii ka soo barakacay magalada muqdisho walaw aanay caruurtaasi oo dhan wada ciidin sababto ah qiimihi ascaarta oo kor u kacay.

Gobolka galguduud ayaa isna laga ciiday magaalada dhuusa mareeb oo aan khadka talefanka kula xariiray ayaa la ii sheegay in si wayn looga ciiday magaaladas iyadoo dadku dhagaysanayeen music ciida sido kale waxaa la ii sheegay in dhamaan degmooyinka gobolkaasi si wayn looga ciiday arintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ururka al-shabab ay ku suganyihiin qaybo badan oo ka mida gobolkaasi ayna isaga baxeen maamulkii deegaankaas k a ariminayay sidoo kale ciidamo itoobiyaan ah ayaa la sheegay inay soo gaareen deegaanka balanbale oo xuduuda itoobiya ee gobolka galguduud ku yaala waxaana la sheegay inay jareen khadkii isgaarsiinta ee deegaankaasi.

Magaalada baladwene ayaa laga ciiday iyana Waabarigii hore ee Saakay ayaa dhamaan Masjidyada Magaalada waxaa mar kaliya laga maqlay Takbiirta Salaadda Ciidda, waxaana sidoo kale ilaa Xalay gudaha Magaalada lagu arkayay Gawaari ay ku xiran yihiin Cod baahiyayaal dadka ugu baaqayay in layska ilaaliyo wax kasta oo khilaaf keeni kara iyo waliba in dadku isugu soo baxo fagaaraha Ex. Xaruntii hore ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed  Magaalada Beledweyne oo saakay si wada jir ah loogu wada dukaday Salaaada ciida carafo.

Magaalada QARDHO ayaa iyana laga iiday salaada ciida carafo iyadoolagu oogay salaada ciida fagaaraha kubada cagta ee controlka magaalada qardho halkaasi waxaa ka hadlay gudoomiyaha degmada qardho cismaan buux cali iyo gudoomiyaha gobolka karkaar yaasiin siciid maxamed isla markan waxa  ay tilmaamen in laga shaqeeyo arimaha amaanka iyagoo sheegay in 8-jan-2008 puntland isbedel laga filayo uuna noqonayo mid miradhal leh.

C/rashiid Maxamed Daahir
lacle1004@ gmail.c om

webmaster@ceegaag.com