shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
 

U diiwaan galinta Dadwaynaha reer Hargaysa Doorashooyinka Somaliland oo si rasmi ah u bilaabanrtay.

(Hargaysa, December 01,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa maanta ka bilowday magaalada Hargaysa ee u diiwaangalinta dadwaynaha doorashooyinka reer Somaliland ee dhicidoona bisha sadexaad ee sanadka fooda inagi soo haya.

Diiwaan galintan ayaa waxaa la socda in dadka lasiinayo teesaraha aqoonsiga iyo teesaraha cadbixinta. waxaa la isticmaalayaa qalab casri ah oo ay ku deeqeen midawga reer Yurub. Iyadoo qalabka kaydiyayaasha la galinaya faraha qof kasta oo qaata teesarayaashan.

Diiwaan galinta oo dib ugu dhacday sababo la xidhiidha amaanka magaalada Hargaysa ayaa maanta bilaabantay iyada oo si aada loo adkeeyay amaanka goobaha diiwaan galinta.

Madaxwayne riyaale ayaa ku tilmaamay cadowga Soomaaliland cidii reer Somaliland ah ee aan ka qayb qaadan is diiwaan galinta isgoo ku nuux nuux saday in ay Somaliland horay u qaaday talaabo wax ku oola.

Dhanka kale hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ayaa iyaguna sheegay in Somaliland is aqoonsatay markii la' aqoonsan waayay.

Waxaa is waydiin mudan sababaha qalabkan lookeenay Somaliland, sababta Aqoonyahano u dhashay Denmark loogu barxay Hindiyaan iyadoo la heli karo Shaqaale Hufan oo reer Somaliland ah gudana kara Masuuliyadan Qaran,

Arintan ayaa u eeg in la'iibiyay aqoonsigii rabaaniga ahaa ee reer Somaliland (waa Sawirka Farahsa e) Hadii aan laga  xafidin quwadaha shisheeye DIINWAANKAN(warbixinta is diiwaan galiyayaasha)  sida looga ilaaliyay Kooxaha is Qarxiya Goobaha Diiwaangalinta.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com