Udiyaargarawga Ciida iyo Suuqyada Hargaysa
(Hargaysa, December
07, 2008 Ceegaag Online)
Waxaa maanta magaalada hargeysa laga dareemayaa, dhaq
dhaqaaq, xoogan iyo u diyaar garoow, ciidul adxaa oo
lagu wado, barri haduu alle idmo.
Suuqyada magaalada hargeysa ayaa ah kuwo mashquul ah,
dadka ayaa qof walba oo awooda, waxa auu iibsanayaa,
dhar-kii ciida uu ku tukan lahaa.
Mar
aan xalay tagay, suuqa weyn ee magalada hargeysa, ayaa
waxaa ii suura gali weeyday in aan helo meel aan ka maro
Dumar iyo ciyaal.
Iyadoo mashquul kaasi uu jiro ayaa, hadana waxa aaad
dareemeysaa, ciidani inaanay la mid ahayn Ciidihii hore,
oo uu Jiro, hoos ud hac dhaqaale, oo keenay, in suuqa
sidii hore aanu ahaan, waayo Ciidihii hore, mashquul
dartii ayaa dowladu waxa ay xidhi jirtay, wadooyinka waa
weeyn qaarkood, si uu shacabku ugu fududaado, soo
galista suuqa
Arintani ayaa dadka waxa ay u aaneynayaan, Sicir bararka
guud ee ka jira wadanka.
Ciiidmada dowlada ayaa, iyagu waxa ku guda jiraan, in ay
dadka ka ilaaliyaan, Tuugta iyagu ka faa`iideysata,
maalmahan, oo kale.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |