Maqaalkani waxaa laga yaabaa, marka aad akhriso,
in aad is tidhaaho,Tolow maxaa ku kalifay in uu
soo gudbiyo, oo muu iska dhaafo.
Ma aha
kaligaa, ee aniga Qudheeyda ayaa is weeydiiyay,
kana seexan waayay, Murugadiisa, Kadib waxaan
go`aansaday, in aan shacabka soomaaliyeed, usoo
gudbiyo
Hadii
aan usoo dhaadhaco Dulucda mowduuca Iyadoo maalin
walba aduunyadu, ay ka dhacaan wax yaalo, aad la
yaabto, ayaa hadana waxaa dhici karta wax ku cabsi
galiya, oo aad ka murugooto, waliba aad ka wal
washo.
Sanadii 2005-tii, Wiil soomaliyeed, oo aanu wada
dhigan jirnay, Machad Diraasaat-ka islaamka, Lagu
dhigo oo ku yaala dalka yaman, laguna magacaabo
Dar-al xadiith,
wiilka
magaciisu waxaa la yidhaahaa, Cabdi raxman yuusuf
xaaji axmed
Wuxuu
ahaa, wiil fahmad badan, wuxuu ahaa casharada nagu
adkaada, mid noogu celiya, Wuxuu ahaa, 24-jir,
Wuxuu ahaa nin aad u neceb, Qabiilka, Wuxuu ahaa
Wiil hadal cad cad, Wuxuu ahaa Nin isku deya
Soomalidii aanu machadka ku dhiganeeynay, Ee 43-da
ahayd, in uu u noqdo afhayeen,
Machadkii makrii aanu dhameeysanay 2006-dii, Wuxuu
ka mid ahaa, Dhalinyaradii aan kusoo noqon,
somaliya, oo wuxuu Ku hadhay, Yemen.
Anigu
waxaan ka mid ahaa, ardaydii wadanka dib ugu soo
noqotay, waxa aanu ka wada xidhiidhi jirnay, barta
internet-ka, maadaama aanu saaxiib khaas ah ahayn.
Bishan
aynu ku jirno markii ay ahayd, 3. ayaanu isugu soo
galnay, barta intertnet-ka, anigoo markaa MSN-ka
ka maqan, wuu ila hadlay, wuxuuna igu yidhi,
waxaan kugu salaamay, Adanow Salaanta masiixa ee
barkeeeysan, iiga waran wadankii iyo reerihii??
Markii
aan la hadli waayay, ayuu ka baxay, Msn-ka, kadib
markii aan kusoo noqday, ayaan waxaan ku arkay,
Fariintan, naxdinta leh, ee dhex taala msn-ka.
Waan
yaabay oo waan argagaxay, miraayadii Computer-ka,
ayaan indhaha kusoo dhoweeyay, anigoo hubsanaya,
ninkani ma cabdiraxman baa mise??? Waxaana ii
cadaatay, in ninkaasi yahay saaxiibkeey
cabdiraxamn!!!
Labo
casho ka dib ayaanu isugu soo galnay, MSN-ka, Si
naxariis leh ayaan u idhi, war cabdiraxman, Salamu
caleeykum?
Waxa
uu iigu jawaabay, waxaan jecelaan lahaa in aad igu
salaanto salanta ee masiixa ee barakeeysan, kuna
soo dhowoow, Diinta masiixa ee barakeeysan.
Sheekadii na dhex martayna sedan ayay ahayd,
ADAM.
Saaxiib, miyaadan cabdir raxman
yuusuf ahayn?
ABDIRAHMAN: Waan ahay
ADAM:
Oo maxaa kugu kalifay, in aad
diinta ka baxdo?
ABDIRAHMAN: Diinta nabi muxamed, waxaan u daayay
carab.
ADAM. diinta ma carab baa iska leh?
ABDIRAHMAN: Saaxiib, waxaan mar labaad ku odhan
lahaa kusoo dhowoow, masiixa barakeeysan.Hadalka
badan, iska dhaaf
ADAM. Haaye laakiin, waxaa taasi
ka horeeysa, marka hore in aad ii sheegto, waxa
kugu kalifay, kadib
ayuu hadalkaasi jiri karaa, ama aad I odhan kartaa
kusoo dhowow diinteyda,
ABDIRAHMAN. Saaxiib, magaceeygu, horta Dib ha u
qaldin, oo ha I odhan, cabdi raxman ee waxaad I
tidhaahaa,
cabdi masiix.
Intaa
markii aanu is weeydaarsanay, ayuu ka go`ay
internet-ka, Runtii arintaa waxa ay igu noqotay,
mid aan aad ula yaabo, ina cabsi galisay, Laba
sababbood dartood,
Waa
mida koowaade, ninkan oo aanu aad saxiibo u ahayn,
Iyo isaga oo waliba ahaa nin Sheekh ah, oo aan
cidi khaldi Karin, isagoo u badheedha ama xanuun
waali ah haleelo mooyaane .
Waxaan
isku deyay, in aan xidhiidh La sameeyo, Dhalinyaro
ay saaxiibo ahaayeen oo yamen jooga, waxaanay ii
xaqiijiyeen, in aanu xanuunsaneyn, iyaguna aanu
waxa uu aaminsanyahay aanu u muujin, Masaajidna
aan lagu arag bilihii ugu dambeeyay.
Hadaba
akhirstow, Sida aynu ognahay Ree galbeedku, waxa
ay mar walba ku dadaalan sidii umada muslumka ah
loo leexin lahaa, iyagoo, Siyaabo kala duwan ay
ugu soo gabanayaan, hadii ay ahaan laheyd,
dhaqaalo iyo wixii la mid ah. Waxaa kaloo xusid
mudan, in uu jiro, Website af soomaali ah, oo
arintan dhiirra galiya loona Aasaasay, Kor u
qaadista Diinta, Masiixa, iyo Idaacad ku baxda af-ka
soomaaliga, oo soo gasha 7:00 PM fiidnimo, ma
doonayo website-ka iyo idaacada toona in aan
magacooda sheego
Waxaan
ku soo gaba gabeeynayaa, in uu yidhi ALLAH JALAT
CADAMATUH, ( Ruuxa diintiisa ka noqda, , oo dhinta
isaga oo aan towbat la iman acmashiisu way burtay,
aakhirana naar ayuu kuu waadhayaa)
Shareecduna waxa ay qabtaa in la dilayo, Qofka
murtadka ah, ee diintiisa ka noqda
W.Q. Adam
cabdulaahi
Hargeisa.
Email.
Adandeq2@gmail.com