Xarunta La
Dagaalanka Qaaxada ee Buuhoodle oo aad looga
faa'iidaysanayo(Daawo
Sawirada)
(Buuhoodle, December 17, 2008 Ceegaag Online)
Ka dib markii muddo 6 bilood ah ka hor
ay hay'adda US Mercy oo ka diiwaangashan wadanka
maraykanku ay Buuhoodle ka hirgelisay xarun lagula
dagaalamo cudurka Qaaxada ama TP ayaa waxaa hadda
maalinba ta xigta soo kordhaya bukaan socodka ay
qaabilayso xaruntaasi & tirada daweyne ee ka
faa'iidaysanaya.
Dr cabbaas xaaji Maxamuud ayaa gacanta ku haya maamulka
& socodsiinta hawlaha ay xaruntaasi qabanayso, waxaana
lagu daweeyaa oo ka faa'iidaysta tiro badan oo dadweyne
ah oo ka kala yimid gobolada dalka, kuwaasoo isugu jira
rag, haween & caruur halka qaarkoodna sheybaadh lagu
saaro oo ay ogaadaan inay sidaan Bacteri-ada & In kale.
Dr Cabbaas ayaa u sheegay weriyayaal ku sugan Buuhoodle
oo booqday xaruntaasi inuu dhowaan soo bandhigi doono
natiijadii 6 biloodka ahayd ee Bukaanka la daweynayey,
halka sidoo kalena uu xusay inuu aad uga werwetsan yahay
korodhka caruurta laga helayo cudurkaasi.
Daawo Sawirada
Wariyaha Mandaqada Gobolka Cayn
Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi).
Buuhoodle.
webmaster@ceegaag.com |