Xoogaga Al-shabaab
oo shaaca ka qaaday inay jihaadkooda gaadhsiin doonaan
daafaha Dunida
(Muqdisho, December 19, 2008 Ceegaag Online)
Hogaamiyaha Al-shabaab Abuu Mansuur ayaa
shaaca ka qaaday inay dagaalka aykula jiraan dadka ay
ugu yeedheen xoogaga cadaadiska sii wadi doonaan xitaa
hadii ay Itoobiya ciidamadeeda kala baxdo gabi ahaan
gayiga Soomaaliya.
Abuu mansuu oo maanta la hadlayay
saxaafada ayaa sheegay inay caawimaad maal iyo moodba
leh ay ka helaan islaamiyiinta caalamka sidaa awgeed ay
ku qasban yihiin inay ka qayb qaataan xorayn dadka lagu
cadaadinaya dunida Daafeheeda.
Waxaanu soo celinanaa Khilaafadii
Islaamka waxaanuna ka talin doonaaa inta u dhaxaysa
Alaska iyo Chile ilaa South Africa, Japan, Russia,
Solomon Islands iyo ilaa Iceland,
Digtoonaada qarbigoow waan soo soconaaye ayuu
hadalkiisii kusoo gabao gabeeyay.
Hadalkan ayaa u eeg mid Al-shabaab ku
la leeyihiin Itoobiyaay ha bixin oo Soomaaliya sii
Joog sabata oo ah waxay ka cabsi qabaan marhadii ay
baxdo in la waayo marmarsiiyo dagaal iyo colaad looga
sii huriyo Soomaaliya, dhinaca kale waxaa ay Al-shabaab
ka cabsi qabaan awooda kaabo qabiilada oo soo xoogoobasa
halka Awooda dawlada ku meel gaadhka ahi sii wiiqmaso.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |