shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xoogaga Al-shabaab ee gacanta ku haya Kismaanyo oo sheegay inay Tusaale….

(Kismaanyo, December 21,  2008 Ceegaag Online) 

Xoogaga Islaamiyiinta ah ee gacanta ku  dhigay maamulka magaalada Dekada leh ee Kismaanyo ayaa shaaca ka qaaday inay shareecada Islaamka ku soo rogayaan magaalada, iyaga oo sheegay inay tusaale uga dhigayaan magaalooyinka kale ee dalka,

Xoogagan ayaa shaaca ka qaaday maanta iyaga oo la hadlaya warbaahinta inay doonayaan in dadka Soomaaliyeed fursad u helaan inay arkaan maamulka shareecada si ay u barbar dhigaan maamulda ama maamuldarada la soo daristay ilaa intii ay meesha ka baxday dawladii dhexe ee Soomaaliya.

Mar aan qadka taleefoonka kula xidhiidhnay dad ku sugan magaalada ayaa noo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin maamulka xoogaga Islaamiyiinta iyaga oo hoosta ka xariiqay inay ku qanac san yihiin kuna nuux nuuxsaday wanaaga iyo nabad galyada ay heleen taas oo soo xasuusisay waayo waayo.

Dhinaca kale haayadaha gargaarka oo ah kuwo iyagu ku gumaysta cuntada ay bixiyaan shacabka Soomaaliya ayaa ilaa hada diiday inay ku noqdaan Kismaanyo si ay u sii wadaan gargaarka ay u fidinayeen umada Soomaaliyeed ee ay afduubka ugu haystaan wadankoodii iyaga oo ku hawlan uun sii hurinta colaada iyo dagaalada.

Dhinaca kale xoogaga Al-shabaab ayaa ka xajiimooda Haayadaha Gargaarka siiba kuwa ka socda wadamada qarbiga taasoo suuro galin wayday inay haayadahan ku noqdaan Kismaanyo.

Xaqiiqada Kismaanyo ayaa ah in ay gabaabsi yihiin dhamaan waxyaabaha sahla nolosha iyada oo ay dhamaanba dadka reer Kismaanyo ku sugan yihiin Kabuubiyo aysanba dareemaynba xaaladooda dhibaatada hareeraha ee hadhaysay awgeed.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com