Ra’isul wasaare
Nuur Cadde iyo Golihiisa Wasiirada oo kulankoodii ugu
horeeyey maanta ku yeeshay Magaalada Baydhabo.
(Baydhabo,
January 12,
2008 Ceegaag Online)
Golaha
cusub ee wasiirada xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa
maanta kulankoodii ugu horeeyey ku yeeshay xarunta
madaxtooyada magaalada Baydhabo iyadoo kulankaasi uu shir
gudoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Nuur
Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu ahaa mid ay albaabadu u xiran
yihiin oo looga wada hadlay qodobo muhiim ah.
Ra’isal
Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Warfaafinta dhalinyarada
iyo Isboortiga ee xukuumada federaalka Axmed Cabdi Salaan oo
markii uu kulankaasi dhamaaday saxaafada kula hadlay meel ka
baxsan goobta uu kulankaasi ka dhacayey ayaa sheegay in
kukankooda ugu horeeyey ee ay maanta isugu yimaadeen golaha
wasiirada ay uga wada hadleen qodobo muhiim ah oo uu sheegay
iney ka mid ahaayeen xaalada uu dalku ku sugan yahay iyo
sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha amaanka ee ka sii
daraya, isagoo sheegay in sidoo kale ay kulankooda uga wada
hadleen sidii loo dardar gelin lahaa howlaha adag ee hor
yaala golaha wasiirada iyo sidii dib u heshiisiinta loo
wajahi lahaa.
Waxaa uu
sheegay wasiirku in dhamaanba ay isku afgarteen golaha
wasiirada Qodobadii ay ka wada hadleen, waxaana kulankan uu
noqonayaa kulankii ugu horeeyey ee ay iskugu yimaadaan
golaha wasiirada ee xukuumada cusub ee uu dhawaan soo dhisay
Ra’iisal wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur-cadde), tan iyo
intii ka dambeeyey markii xildhibaanada Baarlamaanku uu cod
Aqlabiyad ku ansixiyeen xukuumada maalmo ka hor, waxaana dad
badan ay isweydiinayaan waxa xukuumadan ay ka qaban adoonto
xaalada adag ee dalku ku sugan yahay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |