shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mu`tamarkii Norway ee ey soo qaban-qaabiyeen Hay`adaha Al-Manhal & Kafaalo oo lasoo gaba-gabeeyay.

(Norway, January 07, 2008 Ceegaag Online)

Waxaa maalintii shalay aheyd lagu soo gabo-gabeeyay magaalada Oslo ee dalka Norway mu`tamar socday labo cisho oo loogu magac daray "HORUMARINTA SAMAFALKA & ISKAASHIGA" kaasoo ey soo qaban-qaabiyeen hey`adaha AL-MANHAL iyo KAFAALO oo iyagu ah hey`adaha kaliya ee xanaaneeya kana damqada agoonta soomaaliyeed iyo dadka danyarta ah

Mu`tamarkan oo ey kasoo qeybgaleen culimo waaweyn oo magac iyo maamuusba ku leh bulsho-weynta soomaliyeed ayaa ka kala yimid wadamada Sacuudiga, Kuwait, Danmark iyo Mareykanka iyagoo isugu jiray Somali iyo carab, waxeyna halkaasi ka jeediyeen muxaadarooyin kala duwan oo ey runtii dadku aad uga faa`iideysteen.

                                 

Marka laga soo tago muxaadarooyinka diiniga ah ayaa ula jeedka mu`tamarkani ahaa mid dadweynaha reer Norway loogu bayaaninayay waxqabadka hey`adaha Al-manhal iyo Kafaalo oo tabarucayaashooda ugu badan ku dhaqan yihiin dalkan Norway.

Dadweynaha ayaa loo soo bandhigay waxqabadka hey`adaha oo lahaa maqal iyo muuqaalba, waxeyna dadweynuhu inta badan u qaadan waayeen marki ey daawadeen loona sharaxay waxqabadka sida howshaas baaxadda leh oo isugu jirtay mashaariic dhisme sida iskuulo, isbitaalo, masaajido boqol kor u dhaafaya iyo mashaariic kale ey usuuro gashay mudadaas gaaban ee ey labadan hey`adi jireen.

                                

Mid ka mid ah dadweynihi markaasi la yaabanaa waxqabadka uu indhihiisu ku arkay oo magaciisa la yiraado "Xasan" ayaa yiri "walaahi waxii mashruuc ahaa oo aan maanta indhaheyga ku arkay marnaba isma laheyn labo boqol oo aad bixiso ayaa sahleysa", wuxuuna intaa raaciyay in uu maanta laga bilaabo rumeysan yahay maah-haamdii soomaaliyed ee aheyd "Quraansho uruurtay, mulac waa jiidaa".

Mu`tamarkan mid la mid ah ayaa waxa uu ka dhacayaa maalmaha sabtiga iyo axada ee fooda inagu soo haya taariikhduna ku beegan tahay 12-13/Janaayo/08 magaalada Stockholm ee dalka Swedan (Ringby Skole), waxaana sidoo kale dadweynaha reer Swedan iyana nasiib u yeelan doonaan in ey indhahooda ku arkaan waxyaalihii ka yaabiyay reer Norway ee ahaa mashaariicda kala duwan ey hey`adaha kafaalo iyo Al-manhal ka wadaan gudaha dalkeena Soomaaliya.

                                 

Ugu danbeytii waxaa duco iyo amaan balaaran loogu soo qatimay mu`tamarka masuuliyiinta hey`ada Kafaalo iyo Al-Manhal oo runtii wax weyn ka badalay xaaladda agoonta iyo dadka danyarta ah ee ku sugan daafaha dalkeena, waxaana sidoo kale iyana amaan iyo duco halkaa looga soo jeediyay dhamaan kafiilada iyo tabarucayaasha ku kala sugan dunida dacaladeeda iyagoo lagu amaanay in la`aantood howshan eysan marnaba suuro gali laheyn.

                               

Xigasho: Calanka

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com