Ra'iisal Wasaare
Nuur Cadde oo ku Guuleystay in uu xabsiga ka sii daayo
xubno kamid ah golaha dhaqan-ka Beelaha Hawiye.
(Muqdisho,
January 27,
2008 Ceegaag Online)
Xubnaha
xabsiga laga sii daayey ayaa waxaa kamid ah
Afhayeenkii Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye
Cali, C/laahi Dheere oo ah
afhayeenka dhinaca siyaasadda beelaha Hawiye, jimcaale
Jeebweyne ku xigeenka guddoomiyaha golaha dhexe, Cabdi Nuur
Axmed Diiriye, iyo xubin ka tirsan golaha dhaqanka Hawiye.
Xubnahaan
ayaa in muddo ah ku jiray xabsiyo ku yaala magaalada
Muqdisho kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda federaalka
ay kasoo qabteen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
C/laahi
Dheere oo kamid ah xubnaha la sii daayey ayaa warbaahinta
Muqdisho u sheegay in sii deyntooda uu gacan weyn ka geystay
Ra'isul wasaaraha dowladda federaalka Nuur Xasan Xuseen (Nuur
Cadde).
C/laahi
dheere wuxuu intaa raaciyey in mudadii ay xabsiga ku jireen
si fiican loola dhaqmay oo aan loo geysan wax xadgudubyo ah,
marka laga reebo xoriyadooda qof ahaaneed oo la lumiyey.
Ra'isul wasaare Nuur Cadde
iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Xukuumada ayaa gacan weyn ka
geystay Siideynta xubnahan maanta la sii daayay waxaana sii
deyntooda soo dhaweeyay ururada Bulshada Rayidka ah iyo
Dhamaan qeybaha kala duwan ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Xubnahaan la
sii daayey ayaa ciidamo ka tirsan dowladda federaalka waxa
ay dabayaaqadii sanadkii aan soo dhaafnay ka qab-qabteen
qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Xafiiska
Wararka Ceegaag Online Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan
Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |