Ra'iisal
Wasaare Nuur Cadde iyo Wafdi uu hoga-aminayo oo soo gaaray
Magaalada Muqdisho.
(Muqdisho,
January 20,
2008 Ceegaag Online)
Diyaaraddii
waday Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa
soo caga dhigtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho
kadib markii uu saaka ka soo kictimay Magaalada Baydhabo ee
xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wafdiga
Ra'iisal Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo
dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada
Muqdisho Maxamed Dheere, Taliyaha Booliska Cabdi Qeybdiid,
Salaad Cali Jeelle, Cabdi Fatax Ibraahim Shaaweeye oo ka mid
ah kuxigeenada Gobolka Banaadir.
Ra'iisal
Wasaaraha ayaa waxaa uu salaan ka qaatay Ciidamada Qaranka
Soomaaliya gaar ahaan kuwa Bambeyda ee Booliska Soomaaliyed,
waxaana madaxa loo geliyay Ra'iisal Wasaaraha Ubax oo gabar
yar siday.
Wafdiga
Ra'iisal Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta,
Sportiga ahna kuxigeenka Ra'iisal Wasaaraha Axmed C/salaan
Aadan.
Ra'iisal
Wasaare Nuur Cadde oo Wariyaasha kula hadlay Garoonka
diyaaradaha ayaa sheegay in uu wax ka qaban doono
Dhibaatooyinka kajira Magaalada Muqdisho, isagoo ka codsaday
Mas’uuliyiinta iyo Bulshada in ay gacan buuxda kusiiyaan.
Waa markii
ugu horeysay oo Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde yimaado
Magaalada Muqdisho tan iyo markii loo magacabay Jagada
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, dhamaadkii sanadkii tagay..
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |