Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde
oo maanta Baarlamaanka hor geeyay Golaha Wasiirada Cusub ee
uu dhawaan soo dhisay.
(Baydhabo,
January, 08 2008
Ceegaag Online)
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
ayaa maanta ugudbiyay Golihiisa Wasiirada Cusub Baarlamaanka
Soomaaliya si loogu qaado Codka Kalsoonida taas oo ay jiraan
Xildhibaano aan tiro badneyn oo ka hor yimid Xukuumadan
Cusub.
Inta
Badan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u muuqda kuwo ku
qanacsan Xukuumadan tirada yar ee hadana Tayadeedu ay aad u
sareyso iyadoo Baarlamaanku Labo maalmood kaga doodi doona
Barmaamijka Xukuumada Cusub ee uu Ra’iisal Wasaaruhu hor
dhigay.
Ra'iisul wasaare Nuur cadde oo saxaafada la hadlay ayaa
sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo kalsooni siinta
Xukuumadiisa, isagoona xusay inuu ku kalsoon yahay
Xildhibaanada oo ay kalsooni siinayaan Xukuumadan Cusub.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa
maanta oo Salaasa ah waxaa kaga ekeed Mudadii gaabneed ee uu
ka dalbaday Baarlamaanka in uu kusoo dhiso Xukuumad kooban
oo tayo leh isagoo Barmaamij Siyaasadeedka Dowladdiisana
Diirada ku saaray Arimaha Dib u Heshiisiinta waxa uuna
Xildhibaanada ka codsaday in ay ku garab istaagaan Dadaalka
uu ugu jiro sidii Dalka Nabadgalyo Waarta looga dhalinlahaa.
Ammaanka Xarunta ADC ayaa ahayd mid aad loo adkeeyay, iyadoo
Ciidamo isugu jira Ethiopian iyo Soomaali la geeyay,
Xarunta ADC-da Magaalada Baydhabo kuwaas oo lasheegay in ay
aad ula socdaan dhacdhaqaaqa goobta shirka, si
dooda xildhibaanada iyo cod u qaadida Xukuumada aysan buuq
iyo jahwareer uga dhalan maadaama ay jiraan dad tiro yar oo
hadh iyo jeer u guntaday Mijo xaabinta Xukuumada Cusub ee ay
Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba soo dhaweeyeen.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |