shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra'isul wasaare Nuur Cadde ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia kulan kula qaatay guddiga ganacsatada gobolka Banaadir.

(Muqdisho, January 23, 2008 Ceegaag Online)  

Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayey labada dhinac uga wada hadleen xaaladda amaan ee suuqa weyn ee Bakaaraha oo maalmahaan warar soo baxayey ay sheegayeen in ciidamo katirsan dowladda ay la wareegayan Amaanka suuqa iyo Nawaaxigiisa.

Kulankan ay yeesheen Ra'isul wasaaraha Somalia  Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo guddiga ganacsatada gobolka Banaadir ayaan ilaa iyo hadda wax natiijo ah ka soo bixin, waxaana jira kulan gaar ah oo yeelanayaan ganacsatada gobolka Banaadir oo looga arinsanayo xaaladda suuqa Bakaaraha.

Kulanka ay maanta yeesheen Ra'isulwasaare Nuur Cadde iyo guddiga ganacsatada gobolka Banaadir ayaa waxa uu daba socdaa kulamo dhawaanahaan ay yeelanayeen guddiga amaanka gobolka Banaadir iyo ganacsatada gobolka, waxaana kulamadaas ku yimid dib u dhacyo markii la isku afran waayey qaabka loo wajahayo suuqa bakaaraha.

Waa markii ugu horeysay ee Ra'isul wasaare Nuur Cadde uu kulan la qaato ganacsatada gobolka Banaadir tan iyo markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu sidoo kale imaanayo kadib markii ay kulamo noocaan ah ay isku mari waayeen guddiga amaanka gobolka iyo midowga ganacsatada gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka ee Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

Ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com