shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Afhayeenka Cusub ee Ciidamada AMISOM oo maanta shirkiisii jaraa'id ugu horeeyay ku qabtay Magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, January 11, 2008 Ceegaag Online)

Afhayeenka Cusub ee Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugana gudaha magaalada Muqdisho Captain Bhuko Bridge ayaa maanta shirkiisii jaraa'id ugu horeeyay ku qabtay Magaalada Muqdisho isagoona ku faah faahiyay arrimo fara badan oo ku aadan tallaabooyinka ciidanka AMISOM.

Captian Bhuko Bridge waxaa uu markii ugu horeysay gaashaanka u daruuray warar la baahiyay oo ku aadan in Ciidamada Dowladda Burundi ee qeybta ka ah kuwa Midowga Afrika ay dalbadeen in ay xarun ka dhigtaan Dugsigii Farsamada Buula Tikniko sidaasina looga saarayo shacabka dagan

''Ma jiraan arrimahaasi inaguna ma lihin go'aankaasi,balse waxaa leh maamulka Gobolka Banaadir,Ciidamada Burundi ma dalban go'aankaasi iyagu mana dooneyno in dadka kicino''ayuu yiri Bridge

Waxaa sidoo kale afhayeenka Cusub ee AMISOM uu daaha ka qaaday in aysan jirin warar la isla dhexmarayay oo ku aadan in Dowladda Mareykanka ay tababar siineyso Ciidamada Badda ee AMISOM si ay gacan uga geystaan la dagaalanka Burcad badeedka.

Mar la weydiiyay hadii ay howlgalladooda ku baahinayaan guud ahan dalka Soomaaliya ayna ka qeyb galayaan dagaalada Dowladda Iyo Itoobiyaanku kula jiraan Kooxaha hubeysan ayuu sheegay in taasi kaliya ay suuragal noqon karto marka 8-da kun ee Ciidamada Africa ay kusoo dhameystirmaan kana howlgalaan Gudaha dalka Soomaaliya.

Isku soo wada duub Shirkan jaraa’id ee uu qabtay Afhayeenka ayaa ujeedadiisu ahayd beeninta labo qodob oo saxaafada gudaha ay shaacisay,midka koowaad oo ah in ciidamada badda Maraynku tababar siinayaan kuwa Amisom oo uu ku tilmaamay warar aan waxba ka jirin ,iyo qodobka labaad oo ah in ciidamada Burundi la dajin rabo dugsiga Buulo Tikniko

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com