Alpha
Oumar Konari ''Dowladaha Afrika waa ka gaabiyeen dawrkooda
nabad kusoo dabaalidda dalka Soomaaliya''.
(Addis Ababa,
January 20,
2008 Ceegaag Online)
Ururka Midowga Africa ayaa dhaliilay dowladaha Africa ,iyagoona
sheegay inay ka seexdeen arimaha Soomaaliya,isla markaana ay
sheegeen in ay deg deg looga baahanyahay inay ciidamo ugu
diraan gudaha dalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Midowga Africa Alpha Omar Konari ayaa sheegay in
dowladaha ka tirsan Midowga Africa ka mid ah isku raaceen in
ay ciidamado geynayaan wadanka dagaalada ay ka jiraan ee
Soomaaliya ,balse lagu guuldareestay arintaas ayuu yiri.
Konari ayaa sheegay in dowlado ka mid dowladaha African ay
ka gaabiyeen doorkii ay ku lahaayeen Arimaha Soomaaliya ,isagoo
sheegay in ay dowladaha Africa been ka sheegeen Arimaha
Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu tilmaamay in looga baahan yahay dowladaha
Africa in ay ciidamo deg deg ah geeyaan dalka Soomaaliya ,si
ay gacan usiiyaan dowlada Faderaalka ee Soomaaliya una
badalaan ciidamada dowlada Itoobiya ee hada jooga Magaalada
Muqdisho.
Gudoomiyaha Midowga Africa Alpha Omar Konari wuxuu kaloo
fariin udirey Madaxda dowlada Federaalka ee Soomaaliya ,ku
aadan la xaajoodka kooxaha dowlada Soomaaliya ka soo
horjeeda si loo joojiyo xaaladaha ka taagan wadanka.
Sidoo kale Madaxda dowlada Soomaaliya ayuu ka codsaday in ay
dabciyaan Barnaamijkooda Siyaasadeed oo ku aadan la hadalka
kooxaha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ka soo
horjeeda,waxa ayna nala tahay xaalada waxaa wax looga qaban
karaa wada hadal iyo tanaasulaad dheeri ah oo ay sameeyaan
Madaxda dowldaa Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |