Banaanbax looga
horjeedo dilkii shalay loo geystay labo kamid ah shaqaalihii
Hay'adda MSF Holland ayaa maanta ka dhacay M/Kismaayo.
(Kismaayo,
January 29,
2008 Ceegaag Online)
Boqolaal dad
ah oo ka careysan dilkii loo geystay shaqaalihii Hay'adda
MSF Holland ayaa isugu soo
baxay bartamaha Magaalada Kismaayo, waxaana dadkaas oo u
badnaa haween iyo caruur ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku
dalbanayaan in sharciga la horkeeno dadkii ka dambeeyey
qaraxii ay ku dhinteen shaqaalaha.
Dadka
banaabaxa dhigayey ayaa waxa ay u badnaayeen dadkii gacanta
ka heli jiray Hay'adda MSF Holland
oo gelinkii dambe ee shalay shaqaaleheeda kala baxday Guud
ahaan Gobolka Jubadda Hoose.
Dibadbaxayaasha oo socod ku soo marayay waddooyinka
magaalada Kismaayo ayaa markii dambe isugu soo uruuray
fagaare ku yaal magaaladaas halkaas oo ay ku soo
gebagabeeyeen banaanbaxooda.
Maalintii
shalay ayey aheyd markii qarax miino nooca la hago ah lala
beegsaday gaari ay saarnaayeen shaqaalaha Hay'adda MSF
Holland halkaas oo ay ku geeriyoodeen illaa 5-qof oo
seddexna ay Ajaanib ahaayeen halka labada kalena ay Soomaali
ahaayeen.
Xafiiska Wararka Ceegaag
Online Muqdisho, Somalia
Axmed Aadam Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |