Bayaan Laga soo
saaray koox ku hadashay Magaca Xarakada Islaax.
(Muqdisho January
17,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa qaar ka mid ah
qalabka warbaahinta lagu faafiyay hadalo ah in la bedelay
madaxdii, golayaashii iyo nidaamkii Xarakada Islaax lana
sameeyay hogaan cusub, iyagoo tixraacaya qoraal ay soo
saareen xubno aan Xarakada Islaax ka tirsannayn Taariikhdu
markii ay ahayd 10/1/2008.
Waxaa wax lala yaabo ah in kooxdani ku andacoodaan wax aysan
awood u lahayn, Xaqiiqadana ka fog.
Hadaba Xarakada Islaax
waxay cadaynaysaa
1) In hadaladaas ay
yihiin been aan sal iyo raad toona lahayn;
2) kooxdan sheegatay
magaca ururku maaha xubno ka tirsan ururka, muddo ka hor
ayaa qaarkood ururka laga saaray markii ay khilaafeen
mabaadida iyo nidaamka ururka, qaar kalena iskood uga tageen.
3) Waa koox ku biiray
Maxaakimtii Islaamiga ahaa, qaarkoodna ka mid yihiin
hogaanka sare ee Maxaakimta.
Hadaba, waxaan
ogaysiinaynaa xubnaha ururka, taageerayaashiisa iyo guud
anaaba shacbiga Soomaaliyeed in xarakada Islaax aysan wax
shaqo ah ku lahayn hadalada iyo ficilada ka soo fulaya
kooxdaasi sida beenabuurka ah ugu hadlaya magaca ururka.
Waxaa kale oo aan sii
adkaynaynaa in xarakada Islaax ay mar walba u taagan tahay
fidinta Diinta Islaamka, ku dhaqanka manhajka ictidaalka, u-adeegidda
bulshada Soomaaliyeed, horseedida arimaha dib u heshiisiinta,
iyo ugu baaqidda wadada nabadda , wadahadalka iyo
walaalnimada.
Ugu dambayn waxaan
kooxdan ugu naseexaynaynaa inay ka waantoobaan hadalada been
abuurka ah oo u horseedi kara aduunyo iyo aakhiro beel, kana
shaqeeyaan wax anfaca naftooda iyo umadooda.
Maqaalka nala soo
gaarsiiyay ayaa u dhignaa sidan
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |