shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Booliska Waddanka Koonfur Africa oo gacanta ku dhigay rag geystay dilka labo dhalinyaro Soomaliyeed.

                                                       (Johannesburg,  January,  08 2008 Ceegaag Online)     

Booliska Waddanka Koonfur Africa ayaa gacanta ku dhigay ragg geystay dilka labo dhalinyaro Soomaliyeed, oo lagu dilay Gobollka Eastern Cape.

Koox hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa habeenimadii Axada ee tariikhdu ay ku beegnayd 1-6-008 tacshiirad hubiyay albaabka dukaanka eey marxumiintaas eey jiifeyn iyagoo halka ku dilay labadii marxuum, dabadeedna qaatay wax allaale iyo wixii dukaanka yaalay, iyagoo markii dambe dukaanka dab xoogan qabadsiiyay.

Booliska Magaalada East London ayaa gurmad ugu yimid goobta dukaanka uu ku gubanayay iyagoo isla goobta keenay baabur ambulance ah oo dabka damisa ah,iyadoo lagu guulaystay in dabka la damiyo balse maydadka la kala garan waayay dhalinyaradan lagu gubay gobolka Eastern Cape ayaa lagu kala magacaawi jiray, Saciid khalif oo da’diisu y aheyd 17 jir iyo badal sheekh maxamed oo da’diisu eey eheyd 26 jir.

Labadan dhaliinyaro ayaa dukaanka shaqaalo ka ahaa in muddo ahba iyagoo aakhirkii naftoodii ku waayay, Booliska Magaalada East London ayaa gacanta ku soo dhigay ragan geystay dilkaasii.

Dhinaca kale Jaaliyada Soomaaliyeed ee ka dhisan Gobolka Eastern Cape ayaa dadaal dheer uu gashay sidii gacanta loogu soo dhigii lahaa gacan ku dhiiglayaasha falkaasi gestay, mahan markii ugu horaysay ee dhalinyaro Soomaaliyeed lagu gubo Gobolka eastern cape, iyadoo muddo hada laga joga labo bilood lagu gubay isla gobolkaas labo dhalinyaro oo soomali ah oo walaalo ahaa, hadaba Booliska East London ayaa sheegay in ragan gacanta lagu hayo loona gudbin doono Maxkamad sida xukun loogu rido,

Dhinaca kale qabashada ragan burcada ayaa waxaa soo dhaweyeey umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan Waddanka Koonfur Africa,

Hassan yeey,

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com