Caamir Muusa oo
dalalka carabta ugu baaqay in ay gurmad gaarsiiyaan shacabka
Soomaaliyeed.
(Qaahira, January
31,
2008 Ceegaag Online)
Xoghaya guud ee ururka
Jaamacadda carabta Caamir Muusa ayaa ugu baaqay wadamada
carabta in ay gacan weyn ka geystaan sidii nabad iyo
xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalka
soomaaliya.
Caamir Muusa ayaa ka codsaday dalalka carabta in ay gar-gaar
dhinacyo badan leh la gaaraan dadka barakacay ee ku
dhibaateysan gudaha
soomaaliya, isagoo sheegay in loo baahan yahay in
dalalka carabtu ay gurmad u fidiyaan walaalohooda
Soomaaliyeed ee dhibatooyinka isbiirsaday ay ku heystaan
dalka Soomaaliya.
"Waa in dadka tabaaleysan gacan bino'aadanimo loo fidiyaa,
lana taageeraa si dadkaasi ay u helaan gurmad dhinacyo badan
leh" ayuu yiri Caamir Muusa.
Wuxuu ugu baaqay dhinacyada Soomaaliya in ay wada hadal ku
xaliyaan mushkiladda dabadheeraatay ee ka aloosan gudaha
Somalia, isagoo xusay in miiska wadahadalka lagu xalin karo
mushkilad kasta oo dhacda.
Hadalka Caamir muusa ayaa ku soo beegmaya xilli gudaha
soomaaliya ay ka jiraan xaalado aad u adag oo la soo dersay
dad Soomaaliyeed oo ka barakacay dhibaatooyinka iyo
dagaalada ka jira magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadam Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |