Cali Axmed
Jaamac (Jangali) oo loo Magacaabay Jago Muhiim ah (Wasiirka
Arimaha Dibada ee Dowladda Federaalka Kmg).
(Somalia, January
05,
2008 Ceegaag Online)
Ra’iisal Wasaare Nuur Xassan Hussein (Nuur Cadde) ayaa
Jagada Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Xidhiidhka
Caalamiga u magacaabay Cali Axmed Jaamac ( Jangali) oo horay
Dowladda KMg uga soo qabtay Wasaaradaha Boostada iyo
Isgaadhsiinta iyo Warfaafinta xukuumadii hore ee Cali
Maxamed Geedi, Jagada loomagacaabay Cali Axmed Jaamac (Jangali)
ayaa noqonaysa jagadii sadexaad ee uu ka qabto DKMG tan iyo
intii lagu soo dhisay dalka Kenya sanadkii 2004.
Hadaba Magacaabistan Shalay loo magacaabay Cali Axmed Jaamac
Jangali Wasaaradan ayaa ah mid muhiima maadaama looga
fadhiyay Ra,iisal Wasaaraha inuu soo dhiso Dowlad tayo leh
oo ka kooban 18 wasiir oo qudha kuwaas oo Karti iyo Aqoonba
leh kana saari kara Marxalada Adag ee uu kujiro dalka haatan.
Hadaba Cali Axmed Jaamac Jangali Waa nin ceynkeeya?
Cali
Axmed jaamac Jangali waxa uu waxbarashadiisa kusoo qaatay
Wadamada India iyo Ingiriiska,
Isagoo
Howlaha Dowladda ka bilaabay Wasaarada Arrimaha dibeda oo uu
ka shaqaynay intii u dhaxeesay Sanadadii 1974 ilaa 1991
marka laga reebo wakhtiyo uu waxbarasho ku jiray.
Cali Axmed
Jaamac Jangali Wuxuu ahaa Qunsulkii Soomaaliya u fadhiyay
dalalka Zambia iyo Djibouti ugu dambaytiina waxa uu kusoo
laabtay Wasaarada Arrimada Dibeda isagoo loo magacaabay
Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha dibeda sanadkii 1990.
Cali
Axmad Jaamac (Jangali) waa
Siyaasiga kaliya ee ugu cad cad Siyaasiinta ka soo jeeda
Gobolka SSC marka laga hadlayo xaga Dowladda Federaalka Kmg
isagoo ku mutaystay xilkan loo magacaabay shalay kartidiisa
iyo Aqoonta uu u leeyahay Arrimaha Cakiran ee ka taagan
Wadanka iyadoo dad badan ay u dhagtaagayaan waxa uu ku soo
kordhinkaro Wasaaradan Muhiimka ah oo ay horay ugu
fashilmeen ama dhaliilo farabadan loogu soo jeediyay
inaanay wax uga qaban sidii looga baahnaa Mas’uuliyiintii
isaga ka horeysay.
Liibaan Mohamed X. Cali
Hyderabad, India
liban_fiin@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |