shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Booliska Magaalada Baydhabo oo Xabsiga dhigay Labo nin oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyan dilalka ka dhaca Magaaladaas.

(Baydhabo, January 29, 2008 Ceegaag Online)      

Howlgal ay si qarsoodi ah ugu fuliyeen qeybo ka mid ah Magaalada Baydhabo ayaa Ciidamada Booliska ayaa waxay ku soo qabqabteen labo nin oo sida la sheegay looga tuhunsan yahay inay abaabulayeen dilal lagu fulinayo madaxda Dowladda iyo shaqsiyaad kale.

wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxaa ay sheegayan in intii uu socday howlgalkaas uu ku dhaawacmay mid ka mid ah raggii tuhunka laga qabay kaas oo isagoo dhaawac ah xalay ku jiray Xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo.

Saraakiisha Booliska Magaalada Baydhabo ayaa waxay ka biyo diiden inay faahfaahin ka bixiyaan raggan la soo qabtay iyo falka ay gacamaha kula jireen.

Labadaas nin oo mid uu dhaawac yahay oo hadda ku xiran Magaalada Baydhabo waxay ku eedeysan yihiin inay wax badan ka abaabuleen dilal ka dhacay Magaaladaas iyo kuwa hadda la qorsheynayay

Magaalada Baydhabo ayaa lagu dilay dhamaadkii sanadkii hore ilaa iyo bilawga sanadkan tiro dad ah oo gaaraya ilaa iyo 25 ruux oo ay ka mid yihiin rag xilal kala duwan ka hayay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

www.ceegaag.com



 

  

webmaster@ceegaag.com