shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku lahaa deegaanka Jante-kundishe ayaa gebi ahaanba halkaasi isaga haleelay.

(Muqdisho, January 27, 2008 Ceegaag Online)  

Ciidamadan oo wata inka badan 27 gaadiidka dagaalka ayaa sida lagu helayo wararka waxa ay u ruqaansadeen dhinaca deegaanka Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Mid kamid ah darawalada wada gaadiidka isaga goosha gobolada dhexe ayaa ii sheegay xalay saqdii dhexe ay ciidamadaas iyo gaadiid dagaal oo ay wateen ay hakad geliyeen muddo saacado ah gaadiidkii si ay u gudbaan.

Ilaa iyo hadda ma jiro cid ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadashay sababaha ka dambeeya in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan shaldhig ay ku laahayeen gobolka Hiiraan.

Lama oga ujeedada ka dambeysa in ciidamada Itoobiya ay halkaas isaga guuraan, waxaase arinkan uu imaanayaa maalmo uun kadib markii dagaal xooggan ay ciidamadaas la galeen kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday fariisin ay ku lahaayeen halka loo yaqaan Kalabeerka oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Ciidamada Itoobiya ayaa kal hore isaga baxay qeybo ka tirsan gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Guri-ceel ee gobolkaas oo ay saldhig ciidan ka sameysteen.

Xafiiska Wararka Ceegaag Online Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com  

  

webmaster@ceegaag.com