Ciidamada
Itoobiya ee ku sugan halka loo yaqaan Jante-kun-dishe ayaa
saakay.....
(G. Hiiraan,
January 21,
2008 Ceegaag Online)
Ciidamada Itoobiya ee ku
sugan halka loo yaqaan Jante-kun-dishe ayaa saakay howlo
baaritaano ah waxa ay ka bilaabeen deegaanka Baar-gadiid oo
qiyaastii 17-Km u jira magaalada Baledweyne ee xarunta
gobolka Hiiraan.
Ciidamada Itoobiya ee halkaas baaritaanada ka bilaabay ayey
dadka ku dhaqan deegaankas sheegeen in aad u hubeysn yihiin,
iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn ujeedada ka dambeysa in
ciidamada Itoobiya ay deegaankaas howlo baaritaano ah ka
fuliyaan.
Wararka laga helayo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka
Hiiraana ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee deegaankas
baaritaanada ka sameeyey ay ka dambeysay kadib markii ay soo
gaareen warar hoose oo sheegaya in xoogaga taabacsan
Maxkamadaha Islaamka ay isku uruursanayaan halkaas.
Illaa iyo hadda ma jiro mas'uul ka tirsan maamulka gobolka
Hiiraan oo ka hadlay howlgalka ay ciidamada Itoobiya sakay
ka fulinayaan deegaanka Baar-gadiid oo ka tirsan gobolka
Hiiraan.
Howlgalkan ay ciidamada Itoobiya halkaas ka sameeyeen ayaa
ku soo beegmaya xilli dhawaan xoogag taabacsan maxkamadaha
islaamaka ay la wareegeen deegano ku yaala gobolka Hiiraan
gaar ahaan Bacda, Jiirta-qabno iyo Matabaan.
Axmed Cadde, Muqdisho. Soomaaliya
www.Ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |