Ciidamada
Itoobiya oo howlgalo ka fuliyay Degmada Afgooye ee Gobolka
Shabeellaha Hoose.
(Afgooye, January
23,
2008 Ceegaag Online)
Ciidamada
Itoobiya ee ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha
hoose ayaa halkaasi ka kaxeystay tiri dhalinyaro ah kadib
markii ay howlgalo ka fuliyeen qeybo kamid ah xaafadaha
degmadaas.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in aaney ogeyn sababaha ka
dambeeya in ciidamada Itoobiya ay u kexeystaan qaar kamid ah
dhalinyarada xaafadaha degmada Afgooye ku dhaqan, iyadoo
warar soo baxay ay sheegayaan in qaar kamid ah dhalinyaradii
ay ka kexeysteen ciidamada Itoobiya la soo daayey.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Afgooye ee
Shabeellaha hoose ayaa fiidnimadii hore ee xalay gudaha waxa
ay u galeen xaafadaha degmada afgooye halkaas oo howlgalo ay
ka sameeyeen.
Ma cadda ujeedada ka damebeysa in ciidamada itoobiya ay
howlgalo habeenkii ay halkaas ka fuliyaan iyadoo wararka
degmadaas laga helayo ay sheegayaan in qaar kamid ah
dhalinyaradii ay kexeysteen ciidamad Itoobiya ay weli
gacantooda ku jiraan.
Waa markii ugu horeysay ee ciidamo Itoobiya ee ku sugan
degmada Afgooye ay dad ka kexeystaan xaafadaha degmadaas.
Xafiiska
Wararka ee Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan
Ibraahim
Ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |