Ciidamada Nabad
ilaalinta Wadanka Burundi oo saaka dagay Jaamacaddii Umadda
ee Magaalada Muqdisho
(Muqdisho,
January 31,
2008 Ceegaag Online)
Ciidamada ka
scoda dalka
Burundi
ee howlaha nabad ilaalineed u jooga dalka Soomaaliya ayaa
fariisin ka dhigtay xaruntii hore ee jaamacadda Umadda
Soomaaliyeed gaar ahaan kuliyadii waxbarashada.
Ciidamadaan
Burundi
ayaa halkaasi gaaray oo tiradooda lagu sheegay 100 askari
iyaga oo aan wadan wax gaadiid dagaal ah waxaana goobtaasi
ay ku tageen socod.
"Aroortii
hore ayey ciidamadaas soo gaareen xarunta jaamacadda umadda
Soomaaliyeed, waxaana ay halkaas hadda ka dhigteen fariisin
ciidan" ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo qadka
taleefanka ugu waramayey Shabakadda Ceegaag Online Xafiiska
Muqdiso.
Ciidamada
Burundi
ee degay halkaas ayaa horey ula deganaa dhismihii dugsiga
Xalane ciidamada nabad ilaalinta Ugandha oo iyagu dhowr
xarun ka deggan Magaalada Muqdisho.
Waa markii
ugu horeysay oo ciidamo ka socda dalka
Burundi
ay xarumo ciidan ka dhigtaan qeybo kamid ah magaalada
Muqdisho iyagoo tan iyo markii ay soo gaareen gudaha Somalia
ka deganaa garoonka Muqdisho iyo hareerihiisa.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadam Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |