shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga oo saaka lagu arkay agagaarka Degmada Qasax Dheere ee Gobolka Baay.

(Qasax Dheere, January 17, 2008 Ceegaag Online)  

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Qasax dheere ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Midowga Maxkamadaha Islaamiga saaka lagu arkay nawaaxiga degmadaas, iyagoo qarka u saaran inay la wareegan guud ahaan degmada Qasax Dheere.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaas oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan lagu arkayay deegaanka qasax dheere, gaar ahaan waxay saldhig ka dhigteen xaruntii howlaha guud ee degmada Qasax dheere.

Midowgii Maxkamadihii Islaamiga ee awoodooda la wiiqay bishii Decembar sanadkii 2006 dii ayaa hadda waxay u muuqdaan kuwa dib isu soo abaabulay oo mar kale ku taamaya inay talada Koonfurta Soomaaliya la wareegan, iyagoo Dagaal Dhuumasho iyo mid Afba ka wada Gudaha Somalia iyo Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.

Ilaa iyo hada ayaan Maamulka Gobolka Baay wax war ah kama soo saarin tagista Ciidamada ka tirsan Maxkamadaha ay tageen degmada Qasax dheere.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com