Ciidamo ka
wada tirsan Dowladda Federaalka oo ku dagaalamay deegaanka
Leego ee gobolka Sh/hoose.
(Leego, January
29,
2008 Ceegaag Online)
Dagaal ayaa
labo ciidan oo ka wada tirsan Dowladda Federaalka ku
dhexmaray deegaanka Leego oo ku dhow degmada Wanla-weyn ee
Gobolka Sh/hoose.
Dagaalkan
ayaa yimid kadib markii labada ciidan ay ku murmeen cidda
maamuleysa Bar kooltarool oo ku taala deegaankaas, waxaana
murankaas kadib halkaasi ka qarxay dagaal muddo socday oo
waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ah sababay.
Mid kamid ah
askarta dowladda federaalka ayaa ku geeriyooday dagaalkaas
halka ay ku dhaawacmeen labo kale oo kamid ah ciidamada
dowladda.
Guddoomiyaha
Tuulada Leego ayaa sheegay in deegaankaas laga saaray
ciidamo isaga taabacsaaa oo la wareegeen ciidamo kale
isagana uu hadda ku sugan yahay meel duleedka ka ah
deegaanka
Xaaladda
deegaanka ayaa hadda ah mid dagan, waxaas jira abaabulo
dagaal oo ay wadaan dhinacyadii ku dagaalamay halkaas.
Dhawaan ayey
aheyd markii ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka ay
ku dagaalameen degmada Wanla-weyn ee gobolka Sh/hoose,
waxaana dagaalada badanaa dhexmara ciidaamda ka wada tirsan
dowladda ay sallka ku hayaan maamulidda baro koontarool oo
lagu qaado lacago.
Xafiiska Wararka Ceegaag
Online Muqdisho, Somalia
Axmed Aadam Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |