Dad Soomaaliyeed
oo ku dhaqan Wadankan Koonfur Africa oo laga barakaciyey
goobo ganacsi oo ay ku lahaayeen Gobolka Eastern Cape.
(Johannesburg,
January 16,
2008 Ceegaag Online)
Dad
Soomaaliyeed oo ku dhaqan Wadankan Koonfur Africa, ayaa laga
barakiciyey goobo ganacsi oo ay ku lahaayeen Tuulo lagu
magacaabo Jetasbay.oo ka tirsan Gobolka Eastern Cape.ee
Wadankan Koonfur Africa.
Shalay
galinkii dambe ayaa ilaa 25 Dukaan oo ay lahaayeen dad
Soomaaliyeed la boobay kadib markii mid ka mid ah
Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Tuuladaas uu dil u
geystay mid ka mid ah dadka Madowga ah ee ku dhaqan
Tulaadaas.
Dilka ayaa la
sheegay in uu ka dhashay markii nin Madow ah oo u dhashay
wadanka Koonfur Afrika uu damcay in uu Dhac ka geysto Dukaan
uu haystay Muwaadin Soomaaliyeed oo ku yallaa isla tuulada
iyadoo halkaa lagu dilay ninka burcada ahaa ee damcay in uu
la caraaro hilib, boliceka magalada jetasbay
Dhinaca kale
dadka madowga ee ku dhaqan tulaadaas ayaa waxeey bilaabeen
Falal ay ku boobayan dukaamada ay haystaan Dadka
Soomaaliyeed ee ku yaala tulaadaas, iyagoo markii dambe
boobay dukaamo kor uu dhafayaa ilaa 25 dukaam,
Maahan markii
ugu horeeysay ee dukaamo Soomaaliyeed lagu boobo Gobolka
Eastern Cape, Sannadkii 2007 ayay aheyd markii lagu boobay
tuulada mother well ganacsato Soomaaliyeed, Gobolka Eastern
Cape ayaa ah gobolka sida aadka ah loogu ugaarsado Dadka
Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wadanka Koonfur Africa.
Hassan yeey.
Johannesburg,
South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |