Dhaawacyada inka
badan 40-qof oo rayid ah ayaa saacadihi ugu dambeeyey la
dhigay isbitalka Keysa-neey ee magaalada Muqdiosho.
(Muqdisho,
January 29,
2008 Ceegaag Online)
Dadkan oo u
badan Caruur iyo Haween ayaa ku soo waxyeeloobay iska
hor-imaadyo shalay illaa xalay ka dhacayey qeybo kamid ah
degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshid, waxaaa qaar kamid ah
dadkaas la sheegay in dhaawacoodu uu yahay mid aad halis u
ah.
Madaxa
caafimaadka ee isbitaalka Keydsaney Cali Bile ayaa sheegay
in 2-qof oo ka mid ahaa dhaawacyo shalay isbitaalka la soo
gaarsiiyey ay u geeriyoodeen waxyeelo ka soo gaartay
madaafiic ku soo dhacay guryo ay deganaayeen, isagoo intaa
raaciyey in hadda kalkaaliyaasha iyo dhaqaatiirta
caafimaadka ay ku howlan yihiin samata bixinta dadkaas
dhaawaca ah.
Wuxuu intaa
raaciyey in isbitaalka oo ay horey u jiifeen 90-qof oo
dhaawacyo ah ay hadda tirda guud ka dhigeyso 130-qof.
Dadkan
dhaawacyada ah ee la gaarsiiyey isbitaalka Keydsaney ee
kuyaala duleedka Bari ee magaalada Muqdisho ayaa waxyeelada
ugu badan waxa ay ka soo gaartay madaafiic ku habsatay
xaafadihii ay deganaayeen oo ku yaala degmooyinka Huriwaa
iyo Yaaqshid.
Isbitaalada
Madiina iyo Keydsaney ayaa hadda noqday labada Isbitaal ee
sida tooska ah loo dhigo dadka ku waxyeelooba dhibaatooyinka
iyo dagaalada ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaaana
Isbitaaladaas ay hadda la ciirciirayaan xadiga dad badan oo
ku soo waxyeeloobay dagaalo iyo qaraxyo ka dhacay Magaalada
Muqdisho.
Xafiiska Wararka Ceegaag
Online Muqdisho, Somalia
Axmed Aadam Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |