Dibadbaxyo
lagu taageerayo sii deynta Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa
maanta ka dhacay Magaal-ooyinka Muqdisho iyo Cadaado.
(Muqdisho,
January 28,
2008 Ceegaag Online)
Dad aad u
badan oo taageerayey sii deynta Nabadoon Axmed Diiriye Cali
ayaa socod ku maray wadada isku xirta Tarabuunka ilaa KM4 ee
Magaalada Muqdisho.
Dadkan oo u
badnaa Haween iyo caruur ayaa waxa ay si weyn u soo
dhaweeyeen sii deynta xubno uu kamid yahay Axmed Diiriye
Cali, waxaana dadkan Amaan udireyn Ra'iisal Wasaare Nuur
Cadde oo ay ku amaanen gacantii balaarneyd ee uu ka gesytay
sii deynta xubnihii ka mid ah golaha dhaqanka Beelaha Hawiye.
Dhinaca kale
boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada
Cadaado kuwaas oo ku dhawaaqayey erayo ay ku soo
dhaweynayaan sii deynta Axmed Diiriye Cali oo muddo ka badan
labo Bilood ku jiray xabsi.
Dibad
baxyaasha ayaa socod dheer kadib isugu tagay fagaare ku yaal
magaalada Cadaado halkaas oo markii dambe ay ku soo
gabagabeeyeen dibad bixii ay ku taageerayeen sii deynta
Axmed Diiriye Cali iyo xubnihii kale.
Axmed Diiriye
iyo xubno kale ayaa maalintii shalay aheyd laga sii daayey
xabsiyo ku kala yaal meelo kala duwan, iyadoo shir jaraa'id
oo uu qabtay kadib sii deyntiisa Axmed Diiriye Cali uu u
sheegay in uu si weyn ugu mahad celinayo Ra'isul wasaaraha
dowladda Federaalka Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo kaalin
weyn ka qaatay sii deyntiisa.
Dibadbaxaan
ayaa yimid kadib maalin uun markii lasii daayey xubno kamid
ahaa golaha dhaqanka Hawiye oo uu jiro Axmed Diiriye oo ah
afhayeenka golahaas.
Xafiiska Wararka Ceegaag
Online Muqdisho, Somalia
Axmed Aadam Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |