shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Diblomaasiyiin u dhashay Wadanka Libya oo Af-duub loogu gestay Magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, January 05, 2008 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somalia, ayaa sheegaya in Kooxo hubaysan ay maanta afduubteen Safiirkii Dowladda Liibiya u fadhiyay Soomaaliya iyo Diblomaasi kale oo ka tirsan Safaarada Libya.

Labadan Diblomaasi ayaan ilaa iyo hada aan la shaciin meesha la geeyay, inkastoo wararku sheegayaan in koox hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ay geesteen af-duubkaasi,

Hadaba Safaarada Libya ay ku leedahay Magaalada Muqdisho. ayaa walaac xoogan ka muujiseey Falka lagula kacay Muwaadiniintooda, safaarada dalka Libya ayaa tan iyo Dowladdii Carta (Djibouti) lagu soo dhisay ay xafiis ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

Libya ayaa kamid ah Wadamo fara kutiris ah oo Soomaaliya ay uga furanyihiin Safaarado  sida Wadamada Itoobiya iyo Yemen oo Safiiro ujoogaan Soomaaliya.

Falalka af-duubka ee loo geesanayo dadka waddanka Soomaliya uu jooga howlaha samafalka ayaa ku soo badanaya guud ahaan dalka Soomaaliya, iyadoo maalin dhaweyd lagu guuleystay in madax furasho laga baxsho labo haween ah oo uu kala dhashay dalalka Spain iyo argentine oo Afduub loogu geystay Duleedka Magaalada Boosaaso.

Hassan Yeey

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com