Dowladda
Koonfur Africa oo qabqabatey dad u kala dhashay Wadamada
Soomaali, Bangladesh iyo Pakistan.
(Johannesburg,
January 25,
2008 Ceegaag Online)
Afhayeen u
hadlay Booliska Gobollka Limpopo ayaa sheegay maanta in ay
gacanta ku soo dhigeen rag dambilayaal ah oo isugu jira
Soomaali, Bangladeshi iyo Pakistani, ragan oo tiradooda lagu
sheegay 16 rag ah 9 ay yihiin Bangladeshi 4-Soomaali ah iyo
3-Pakistani ah ayaa waxaa lagu qabtay iyagoo sii sharci daro
ah u soo galinaya Dalka Koonfur Africa qaxooti fara badan oo
ay ku jiraan dad Soomaaliyeed.
Afhayeenka oo
sheegay in ay Ragan yihiin Muqalasiin waxaana la qabtay
iyagoo la socday Gaari Taxi ah oo ku waday dad qaxooti ah
kk ka yimid Wadamada Bariga Africa.
Afhayeenka
ayaa sheegay in Ragaan hada kujiraan Xabsi ku yaala Gobolka
Limpopo oona Maxkamad la soo taagi doono Ragan caadeystay in
ay hadh iyo jeer ka ganacsadaan dadka qaxootiga.
Ma’ahan
markii ugu horeysay ee la qabto rag noocan oo kale ah iyadoo
muddo hada laga joogo labo bilood sidan oo kale gacanta lagu
soo dhigey rag ka ganacsada dadka soo galoowga ee ka kala
yimaada wadamada Africa.
Dhinaca kale
wadankan Koonfur Africa ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa ku
soo qulqulayay qaxooti badan oo Soomaali ah qaxootigaas oo
dhibaatooyin badan kala kulma safarkooda iyagoo ugu
dambeyntiina soo gaara dalka koonfur Africa.
Dalka koonfur
Africa ayaa adkeeyay xuduudaha uu la wadaago dalalka
Mozambique, Zimbabwe iyo Botswana iyagoo xududahaas ay ka
soo galaan dadka qaxootiga ee ku so qulqulaya guud ahaan
wadanka koonfur Africa.
Xafiiska
Wararka ee Magaalada Johannesburg
Hassan yeey
Johannesburg,
South Africa.
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |